Xubnaha Xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo maanta shirkoodii ugu horeeyay Baydhabo ku yeeshay

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya:
Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan
Sabti, January 12, 2008(HOL): Waxaa maanta shirkii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Baydhabo xubnaha Xukuumadda cusub ee Soomaaliya, iyadoo shirkaasina uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Shirkaas oo muddo saacado ah qaatay ayaa markii uu soo gebageboobay ayaa waxaa waxyaabihii looga hadlay saxaafadda uga waramay Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen Axmed C/salaan Xaaji Aadan, kaasi oo sheegay in shirkii ay yeesheen uu ku saabsanaa is-xog-wareysi iyo is-barasho iyo weliba ka hadalka howsha hor-taalla Xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan waxaa uu intaas ku daray in howlaha xukuumadda horyaala laga soo qaatay Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta iyo fududeynta gargaarka bani'aadannimo ee ay u baahan yihiin Dadka Soomaaliyeed.

Wuxuu ahaa shirkii ugu horeeyay oo ay xubnaha golaha Wasiirrada Soomaaliya yeeshaan tan iyo markii uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo tirada xubnaheeda ay dhan tahay 23 Wasiir ayaa waxaa la dhowrayaa waxyaabaha ay ka qabato xaaladda cakiran ee Soomaaliya.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia