Axad, February 17, 2008(HOL): Ilaa lix Madfac oo Hoobiyayaal ah ayaa maanta duhurradii waxaa lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo fariisin u ah Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.
Madaafiicdaas oo qaarkood la sheegay in ay ku dhaceen Xarunta Madaxtooyada ayaa la sheegay in qaar ka mid ah ay ku dhaceen xaafadda Caga-Dhiig ee Degmada Wardhiigley, iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen ilaa lix ruux oo fadhiyay Biibito Shaaha laga cabo oo halkaas ku taala.
Goob-jooge ku sugan meel u dhow halka ay Madaafiicda ku dhaceen ayaa wuxuu sheegay in dadka dhaawacmay oo dhaawacooda uu fududaa loola cararay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.
Shalay ayay ahayd markii uu isla xaafaddan oo u dhow Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia uu ku dhacday Madfac Hoobiye ah, kaasi oo dhaawacay Haweeney gurigeeda ku sugneyd.
Madaafiicdan Hoobiyayaasha ah ee lagu tuurayo Xarunta Villa Somalia ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo shalay uu dib ugu soo noqday Xarunta Madaxtooyada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo muddo dhowr bilood ah ka maqnaa Magaalada Muqdisho.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan Madaafiicda maalintii labaad lagu tuurayo Xarunta Villa Somalia. Maalmo ka hor ayayna ahayd markii sidoo kale madaafiic Hoobiyayaal ah lagu tuuray Dekedda weyn ee Muqdisho, iyadoo xiliga madaafiicdaas Dekedda lagu tuurayay uu ku xirnaa Markab Saanad Mileteri u wada Ciidamada Amisom ee Muqdisho jooga.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia