Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ku adkeysanaya in uusan wada hadal la geleynin Dowladda Federaalka inta ay joogaan Ciidamada Itoobiya

Axad, February 17, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee Xaruntiisa dhexe ay tahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa wuxuu ku adkeysanayaan in uusan wax wada hadal ah la yeelan doonin Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo inta ay Soomaaliya joogaan Ciidamada Itoobiya.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka VOA ayaa sheegay in aanu wada hadal suurtagal noqon karin iyadoo aan Dalka Soomaaliya laga saarin Ciidamada Itoobiya, inkastoo uu xusay in ay jiraan dadaallo ay wadaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo ku saabsan sidii uu wada hadal u dhexmari lahaa Isbaheysigooda iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalka Shiikh Shariif ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo shalay Waxgarad Soomaaliyeed kula hadlayay Hotelka Panari ee Magaalada Nairobi uu sheegay in Mucaaradka ka soo horjeeda Dowladdiisa ay muhiim u yihiin nabadeynta Soomaaliya iyo sidii xal waara loo gaari lahaa, wuxuuna caddeeyay in waxyaabaha ay Mucaaradka tabanayaan ay u kala jiraan labo arrimood oo kala ah in ay qaarkood  Dowladda dhaliilsan yihiin, halka kuwo kalena ay dareemayaan in awood qeybsigii dalka aan lagu tixgelin.

Ugu dambeyntiina, wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Magaalada Qaahira ayaa waxay sheegayaan in Wafdigii Isbaheysiga Dib u xoreynta ee maalmahan ku sugnaa magaaladaas ay halkaas ka dhoofeen iyagoo la sheegay in ay dib ugu laabteen Magaalada Asmara oo ay markii hore ka soo amba baxeen.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia