Axad, February 17, 2008(HOL): Waxaa lagu wadaa in 29-ka bishan Febraayo 2007 Maxkamad la soo taago Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow oo muddo shan bilood ka badan u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha iyo Garsooraha la xiran oo in muddo ah ku xirnaa Xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa dhawaan loo wareejiyay Maxkamadda Gobolka Bay ee ku taala Magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ka dhici doonto dhegeysiga dacwadda loo heysto Dr. Yuusuf iyo Avv. Sheegow.
Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Yare) ayaa sheegay in ay soo dhameeyeen wixii baaritaanno ahaa ee ay ku hayeen kiiska Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Sheegow,isla markaana waxa u harsan ay tahay in maxkamad la soo taago, isagoo carrabka ku dhuftay in ay caddeymo ku filan u hayaan kiiska labadaas Nin.
Dr. Cali Yare waxaa uu sheegay in Maxkamadda la soo taagayo Dr. Yuusuf iyo Avv. Sheegow ay noqon doonto mid u furan dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka soo qeybgeli karaan dhegeysiga Dacwadda loo heysto, isagoo caddeeyay in ay heli doonaan labadaas Nin ee eedeysanayaasha ah sida uu u yiri wixii ay sharciga hortiisa ka helaan.
Dr. Cali Yare waxaa kale oo uu digniin u diray Mas’uuliyiinta kala duwan ee Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in cid kasta oo lagu helo sida uu hadalka u dhigay in ay laba canleyso Hantida Qaranka iyadana sharciga la hor-keeni doono oo abaalkeeda la marin doono.
Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avv. Maxamed Nuur Sheegow ayaa 21-kii September ee sanadkii hore xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu soo eedeeyay dembiyo ay ka mid ahaayeen lunsasho Hanti Qaran, Ku-takri-fal awoodeed iyo weliba Musuq-maasuq, inkastoo Garyaqaanno u doodaya eedeysanayaasha ay arrintaas gaashaanka ku dhufteen.
Dhanka kalena, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed ayaa sheegay in ay sharci darro tahay in dacwadda loo heysto Dr. Yuusuf iyo Avv. Sheegow ay qaaddo Maxkamad Heer Gobol ah, wuxuuna sheegay in ay awooddaas leedahay Maxkamadda sare ee Dalka, wuxuuna intaas ku sii daray in haddii ay arrintaas dhacdo ay noqoneyso mid sharciga hareer marsan oo u eg sida uu hadalka u dhigay in mar kale la af-duubayo Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avv. Maxamed Nuur Sheegow oo markoodii hore qaab af-duub oo kale loo qabtay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia