Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo Dhaqdhaqaaq lagu sugayo Ammaanka ka bilaabay Wadaad Isku Xirta Degmooyinka Buulo-Burte iyo Beledwene

Axad, February 17, 2008(HOL): Ciidamadda Nabad-galyadda Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ka bilaabay watadda isku xirta Magaaladda Beledweyne iyo Degmadda Buula-burte ee gobalka Hiiraan dhaq-dhaqaaq lagu sugayo Nabad-galyadda kadib markii Maalintii shalay Kooxo hubeysan weerar ku qaadeen gaari ay ay la socdeen dad rayid ah meel aan ka fogeyn Demadda Hal-gan.
 
Weerarka kooxaha hubeysani ku qaadeen gaariga rakaab ah ayaa waxaa ku geriyooday qof rayid ah sida uu sheegay Darawalkii waday gaariga la weeraray, isagga oo inataa ku daray in kooxda buracadu ka hor inta aysan dilka geysan ka dalbadeen lacag sida uu hadalka u dhagay aan macquul aheyn.
 
Ciidamadda Maamulka ayaa howl-galkan ay ka bilaabeen watadda isku xirta Magaaladda Beledweyne iyo Degmadda Buula-burte waxaa uu qeyb ka yahay hadal dhawaan uu jeediyay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo sheegay in aysan u dulqaadan doonin Jid-gooyadda kooxaha Maleeshiyaddu dhigtaan.
 
Lakiin warar kale oo soo baxaya ayaa sheegay in howl-galadda Ciidamadu ka bilaabeen watadda isku xirta Degamadda Bula-burte iyo Magaaladda Beledweyne yihiin kuwo la xiriira sidii looga hortagi lahaa kooxaha ku kacsan maamulka Gobalka Hiiraan iyo joogitaanka Ciidamadda Itoobiya oo la sheegay in ay ka wadaan inta u dhaxeysa Tuuladda Hal-gan iyo Degmadda Buula-burte is abaabul ka dhan ah Ciidamadda Itoobiya ee dhawaan soo degay Degmadda Buula-burte.
 
Bilihii ugu danbeeyay ayaa waxaa ka jiray qeybo badan oo ka tirsan Gobalka Hiiraan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedda, gaar ahaan kooxaha ka soo horjeedda Maamulka Gobalka Hiiraan oo mar marka qaar rabshado amaanka ka dhan ah ka geysta qeybo ka mid ah Gobalka,  waxaana la oran inta u dhaxeysa Tuuladda Hal-gan iyo Degmada Buula-burte waa goobaha ugu daran ee amaan daradu ka jirto inkastoo lays-weydiinayo waxa ay arimahaa ka qaban doonaan Ciidamadda dhawaan soo dagay Degmadda Buula-burte.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia