Agaasime ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Axad, February 17, 2008(HOL): Waxaa xalay lagu dilay Xaafadda Suuqa Bacaad ee Degmada Yaaqshiid Agaasimihii Waaxda Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu magacaabi jiray Dr. Cabdulle Maxamed C/qaasim.

Marxuumka ayaa waxaa toogtay afar nin oo bastoolado ku hubeysnaa xili uu ka soo baxay Masjid gurigiisa ka soo horjeeda oo uu Salaaddii Maqrib ku soo tukaday, iyadoo raggii dilayna ay baxsadeen.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus ayaa sheegay in markii marxuumka la dilayay uu lug kula jiray Masjidka, lug kalena ay banaanka u taalay, isagoo caddeeyay in ay dileen raggii beryahan dilalka ku hayay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii isna la dilay Guddoomiyihii Waaxda Heegan ee Degmada Yaaqshiid oo lagu magacaabi jiray Abuukar C/llaahi Cusmaan, kaasi oo ay isna toogteen rag bastoolado ku hubeysnaa.

Dilka loo geystay marxuumka xalay la dilay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay qaraxyo miino lala beegsaday Guddoomiyayaasha Degmooyiyaasha Degmooyinka Kaaraan iyo Dayniile, walow qaraxii loo dhigay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan C/laahi Maxamed Rooble uu ka badbaaday, halka uu ku dhaawacmay Guddoomiyaha Degmada Dayniile Xaaji Cumar Cali.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii la magacaabay maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la dilay guddoomiyayaal Degmo oo 9 gaaraya, Guddoomiye ku xigeenno, Guddoomiye Waaxeedyo, Agaasimayaal iyo weliba labo Afhayeen oo uu yeeshay Maamulka Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia