Axad, February 17, 2008(HOL): Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay Deegaanka Carbiska ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xalay waxaa lagu weeraray qaraxyo is-xigay oo wax yar ay u dhaxeysay.
Ciidamadan oo ka tegay dhinaca Muqdisho, isla markaana ay la socdeen Ciidamo Soomaali ah ayaa la sheegay inay ku sii jeedeen dhinaca Degmada Af-gooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo qaraxyada lala beegsadayna la sheegay in ay ahaayeen kuwa gacanta laga tuuro.
Qaraxyadan iyo Rasaasta ay Ciidamada fureen Qaraxyada kadib ayaan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo habeen ay ahayd, isla markaana aysan dad ka dhaweyn halka ay qaraxyada iyo rasaasta daba socotay ay ka dhaceen.
Ma ahan markii ugu horeysay oo qaraxyo lagula beegsado Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo sidan oo kale qaraxyo loogula beegsaday, kuwaasi oo qaarkood ay khasaare ka soo gaartay.
Ugu dambeyntiina, Sida lala wada socdo inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ku sugan Dad badan oo ka barakacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo weliba halkaasi ay ku heyso xaalad nololeed oo aad u adag, inkastoo ay jiraan mucaawinooyin ay ka helaan Hay’ado Caalami ah iyo kuwo NGO-yo ah oo ka howlgala gudaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia