Axad, February 17, 2008(HOL): Waxaa maalintii shalay ahayd si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho Horyaalka 10aad ee Kubadda Gacanta Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeybqaadanayaan 12 Kooxood oo Wiilal iyo Gabdho isugu jira.
Furitaankii Tantankan ayaa waxaa ka hadlay Ku Simaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Xaaji Cabdi Cilmi Warsame, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow) iyo Mas’uuliyiin kale oo Isboorti, kuwaasi oo dhamaantood shaaca ka qaaday sida ay ugu faraxsan yihiin in ay goob-joog ka noqdaan furitaanka Horyaalka 10aad ee Kubadda gacanta Soomaaliya.
Ciyaartii furitaanka ee Horyaalka ayaa waxay garoonka Olympic Fitness ee Degmada Xamarweyne ku dhexmartay Kooxaha Olympic Fitness Center iyo Ferro, iyadoo markii ay ciyaartaas soo idlaatayna ay guushii raacday Kooxda Ferro oo ku badisay 19 dhibcood, halka ay Kooxda Olympic Fitness la timid 7 Dhibcood.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow) ayaa sheegay in ay dadaal weyn u galeen sidii loo horumarin lahaa Isboortiga Soomaaliyeed, gaar ahaan Xiriirka Kubadda Gacanta oo sida uu yiri ay nasiib wanaag u tahay in uu maanta daah-furo Horyaalkiisa 10aad.
Mar aan wax ka weydiinay Guddoomiye Eenow sababta keentay in ay 8 Kooxood Wiilal noqdaan 4 Kooxood kaliyana ay Gabdho noqdaan, hadana ay tartamaan ayaa wuxuu sheegay in ay guud ahaan Isboortiga Soomaaliyeed ku yar yihiin Gabdhaha, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay dhaqaaq sameeyeen haddiiba la helay Gabdho Soomaaliyeed oo ka qeybqaadanaya Tartanka Horyaalka Kubadda Gacanta Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eenow waxaa uu u rajeeyay Isboortiga Soomaaliyeed Guul, Horumar iyo in uu gaaro meel ka sareysa halka uu haatan joogo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia