Guddiga Ammaanka Qaranka oo sheegay in uu soo dhaweeeyay Dhalinyaro ka soo goostay Maxkamadihii Islaamka

Axad, February 10, 2008(HOL): Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in uu xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay 60 dhalinyaro ah oo sida Guddiga Ammaanka yiri ka soo goostay Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayay deegaanno dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Xaflad dhalinyaradan lagu soo dhaweynayay oo lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda Jen. Maxamed Warsame Darwiish, guddoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo xubno kale oo ka socday maamulka Gobolka Banaadir.

Xafladda lagu soo dhaweeyay dhalinyarada la sheegay in ay  ka soo goosatay maxkamadihii Islaamka ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, Taliyaha Ciidanka Nabadg-sugidda Jen. Darwiish iyo Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Qoor-leex, waxayna sheegeen in ay soo dhaweynayaan in ay dhalinyaradan garteen in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Geesinimo ayay muujiyeen waana ugu hambalyeyneynaa, waxaana rajeyneynaa in ay wejiga labaad dhalinyaro kale ku soo xigsan doonaan oo ay walaalahooda soo raaci doonaan”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in dhalinyaradan ay isku tuureen Ceel aysan ogeyn waxa ku jira, wuxuuna caddeeyay in intii karaankooda ah ay wax u qaban doonaan maamul ahaan, halka uu Dowladda Federaalkana ka rajeeyay in ay iyadana soo dhaweyn doonto dhalinyaradan.

Jen. Maxamed Warsame Darwiish, Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliya ayaa isna hadal ka jeediyay xafladdii lagu soo dhaweynayay dhalinyaradaas, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu caqliga isu imaanayo, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed iska iloobaan dhibaatadii dhextaalay, “Dad isu walaal ah, isu waalid ah, isu seydi ah oo hadana is-dilaya meel Adduunka lagu arkay ma jirto”ayuu yiri Jen. Darwiish oo sheegay in la is-xiro iyo in  la is-dilo in ay ka wanaagsan tahay in ay wada hadlaan labada dhinac oo ay is-af-gartaan.
 
Sidoo kalena Guddoomiyaha Degmada Xamar Ja-jab Axmed Shiikh Maxamuud Qoor-leex oo isna xafladdaas ka hadlay ayaa yiri “Dhalinyaradan haddii aan Qabiil ahaan u tilmaanno waxay badankood  ka soo jeedaan Beesha Cayr, waxayna garteen in ay walaalahooda raacaan oo ay Dowladda Federaalka la shaqeeyaan”.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maxkamadaha Islaamka oo ku saabsan waxa ka jira warka ka soo baxay Guddiga Amaanka Qaranka oo sheegay in uu soo dhaweeyay Dhalinyaro ka soo goosatay Maxkamadihii Islaamka oo ku soo biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia