Ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya oo ku soo dhawaaday Xeebta Kismaayo

Axad, February 10, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in ay Xeebta Magaaladaas aad ugu soo dhawaadeen Maraakiib Dagaal oo uu Mareykanka leeyahay, kuwaasi oo la sheego in ay ilaalo ka hayaan Xeebaha Soomaaliya.
 
Maraakiibta Dagaalka oo  la sheegay in ay ku sugan yihiin meelo ay dadka ka arki karaan ayaa waxay yihiin kuwa diyaaradaha iyo ciidamada xambaara, waxayna marba dhinac ugu socdaan Xeebta Kismaayo.
 
Kalluumeysato Reer Kismaayo ah ayaa intii aanan la arkin  jaaha Maraakiibtan ee aysan soo dhawaan waxay sheegi jireen inay soo arkeen Maraakiib Dagaal oo ay Mareykanka leeyihiin, kuwaasi oo Badweynta ku baara Maraakiibta iyo Doomaha isaga kala goosha Xeebaha Soomaaliya ee u badan kuwa ay ku raran yihiin badeecadaha kala duwan.
 
Sidoo kale Wadayaasha Maraakiibta iyo Doomaha yimaada Dekedda Kismaayo ayaa qudhooda waxay sheegeen in ay arkeen Ciidamada Marekanka ee ilaalada ka haya Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku xeeran Magaalada Kismaayo, waxayna sheegeen in marka ay arkaan ay doomo yar yar u soo diraan, kuwaasi oo ciidamo saaran ay baaris ku sameeyaan Maraakiibta iyo Doomaha u socda Dekedda Kismaayo.
 
Soo dhawaashada Ciidamada Badda Mareykanka ay ku soo dhawaadeen Xeebta Kismaayo ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose laga soo sheegayo xubno ka tirsan Maxkamadihii Islaamka oo halkaas dhaqdhaqaaqyo ka wada iyo iyadoo shalay Ciidamada gacanta ku haya Magaalada Kismaayo heegan la geliyay kadib markii ay saraakiisha Ciidamadaas maqleen in ay weerar ku soo yihiin Xoogag ka amar qaata Maxkamadihii Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia