Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ka howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Axad, February 10, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay howlgallo baaris ah ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmooyinka Waaberi iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Ciidamo Boolis ah oo aad u tiro badan ayaa saaka waxaa lagu arkay Xaafadaha Bangaariyada iyo Dan Wadaagta oo ka tirsan Degmada Wadajir, iyadoo halkaasina ay ciidamada ka sameynayeen howlgallo ay guryaha iyo goobaha ganacsiga ku baarayeen.

Howlgalka ay Ciidamada ka sameeyeen Degmada Wadajir ayay dadka deegaankaas ku dhaqan sheegeen in ay u heystaan in uu daba socdo weerar ay habeen hore  kooxo hubeysan  ku qaadeen Xarunta Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho, inkastoo weerarkaas uu ahaa mid aan wax khasaare ah geysan.

Ciidamo kale ayaa iyana waxay howlgallo ka sameeyeen Wadada ka baxda Isgoyska KM4 ee tagta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo la sheegay in ay lagu aasay miino, iyadoo baaris kadibna ay halkaas Miinadii ka saareen Ciidamada AMISOM ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Xaafadda Kalluunka ee Degmada Waaberi ayaa sidoo kale waxaa howlgallo ka sameeyay Ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo intii ay howlgallada wadeen dad ka kaxeystay xaafadaha Degmadaas ee ay ka howlgaleen.

Howlgalka ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Degmada Waaberi ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo habeen hore degmadaas lagu dilay Guddoomiyihii Waaxda 26-ka June ee Degmada Waaberi Cabdi Fiidow Caddaan, kaasi oo ay toogteen kooxo bastoolado ku hubeysnaa.

Ugu dambeyntiina, Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaa muddo sanad ka badan waxay sameeyaan howlgallo ay ku sugayaan ammaanka, iyadoo ilaa iyo haatanna aysan muuqan wax ay soo kordhiyaan howlgalladaas, waayo magaalada waxaa weli ka dhacaya, dagaallo, qaraxyo iyo dilal ammaankeedana ma hagaagsana.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia