Axad, February 10, 2008(HOL): Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland ayaa waxay bilaaben in ay howlgallo amni sugid ah ka sameeyaan magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari oo muddooyinkan uu ammaankeeda aad u sii xumaanayay.
Ciidamo tiro badan oo ka amar qaata maamulka Puntland ayaa waxaa haatan lagu arkayaa Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Boosaaso iyo weliba Waddooyinka laga soo galo magaaladaas.
Howlgalka nabad-sugidda ah ee ay sameynayaan Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa wuxuu yimid kadib markii ay gudaha magaalada Boosaaso ka dhaceen falal nabadgelyo darro ah oo isugu jira qaraxyo, af-duubyo iyo weliba dilal.
Dhawaan ayay ahayd markii xero ay degan yihiin Dad ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya oo ku taala nawaaxiga Dekedda Boosaaso lala beegsaday qarax weyn oo sababay inay dhintaan dad gaaraya 20 ruux, halka ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen dad kale oo ka badan 60 ruux.
Qaraxaas ka horna magaalada Boosaaso waxaa ka dhacay qaraxyo yar yar oo aan khasaare badan geysan iyo weliba af-duub lagula kacay Samafalayaal u shaqeynayay Hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF-Spain iyo af-duub kale oo loo geystay Wariye u shaqeynayay TV5, inkastoo wariyahaas uu maamulka Puntland ku eedeeyay in uu Puntland ku soo galay si aan sharci ahayn.
Mas’uuliyiinta sare ee maamulka Puntland ayaa dhowr jeer oo ay hadal saxaafadeedyo bixiyeen waxay amni-darrada ka soo cusboonaatay magaalada Boosaaso ay dusha u saareen dad meelo kale ka yimid oo aan ka soo jeedin deegaannada Puntland, inkastoo aysan carrabka ku dhufan meesha ay dadkaas nabadgelyo-darrada wada ka yimaadeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia