Xubno ka tirsan Maxkamadihii Islaamka iyo Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya oo dhaqdhaqaaqyo ka wada Gobolka Jubbada Hoose

Axad, February 10, 2008(HOL): Xubno ka tirsan Maxkamadihii Islaamka ayaa lagu soo waramayaa in ay kulamo ku leeyihiin Deegaanno ka tirsan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo kulamadaasina la sheegay in ay la leeyihiin dadka ku dhaqan deegaannada ay ku sugan yihiin.

Maxamed Amiin C/llaahi Cusmaan oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo kulamadaas la socda, isla markaana wareysi siiyay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in kulamada ay leeyihiin xubnaha ka socda Maxkamadihii Islaamka ay yihiin kuwo ay Urur ahaan u leeyihiin, isla markaana marka ay kulamada soo dhameystaan ay kulan guud yeelan doonaan iyaga iyo Maxkamadaha Islaamka.

“Si guud Isbaheysiga Dib-u-xoreynta waan uga wada tirsannahay laakin Maxkamadaha Ururkooda waa u gooni, waxayna ka shirayaan arrimo u gaar ah, marka ay kulamadaas u soo dhamaadaan ayaana yeelan doonnaa kulamo guud”ayuu yiri Maxamed Amiin C/llaahi Cusmaan.

Mar  wax laga weydiiyay Maxamed Amiin waxa ay ku saabsan yihiin kulamadaas waxaa uu sheegay in ay kulamadaas yihiin kuwo looga hadlayo sidii dalka Soomaaliya looga xoreyn lahaa Ciidamada shisheeye ee ku sugan, wuxuuna caddeeyay in haatan ay Ciidamadooda ku sugan yihiin inta badan gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose oo u harsanna ay dhawaan tegi doonaan.

“Kismaayo oo Dadka jooga aysan dhinac raacsaneyn ayaa noo harsan iyadana waxay noqon doontaa in dadka joogaa ay dhinac raacaan dhinacyada iska soo horjeeda”ayuu yiri Maxamed Amiin C/llaahi Cusmaan.

Hadalka uu sii daayay mas’uulkan ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay heegan sare la geliyay Ciidamada gacanta ku haya Magaalada Kismaayo kadib markii uu saraakiisha ciidamadaas hoggaamisa  soo gaaray war ku saabsan in weerar lagu soo yahay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia