YUUSUF DABAGEED: “Ma yeelo doonno in habeenkiina nala weeraro, Maalintii lagu ganacsado Suuqyada Sarifka iyo Bakhaarrada”

Axad, February 10, 2008(HOL): Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo shir Jar'aaid ku qabtay Xafiiskiisa kadib Dagaal Maalintii shalay dhax-maray Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa ku eedeyay qaar ka mid ah Ganacsatada  in ay iyagu mas'uul ka yihiin Amaan daradda ka jirta Gobalka.
 
Yuusuf Dabageed waxaa uu sheegay in ay jiraan Ganacsato xiliga habeenkii ka qeyb-qaata shir qooladda lagu u gaarsanayo mas'uuliyiinta maamulka, isaga oo intaa ku daray in sidoo kale ay gacan taageero siiyaan sida uu hadalka u dhigay weerarada Gobalka looga soo qaado Deegaanadda dariska la ah, taasoo ah ayuu yiri wixii hadda ka danbeeya mid aan socon doonin.
 
''Ma yeeli doonno in xiliga habeenkii Weerar nalagu qaado, Maalintiina Suuqyadda Sarifka iyo Baqaaradda lagu ganacsado, wax badan ayaan dul-qaadanay laakiin hadda dulqaadkaasi waa mid sii dhamaanaya ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo intaa ku daray in dhawaan maamulku arintaa talaabo ka qaadi doono.
 
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan waxaa kaloo uu ka hadlay Jid-gooyadda kooxaha maleeshiyadu dhigato qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan, waxaana uu sheegay in uu uga digay walidiinta dhashay kuwa Jid-gooyadda dhigtay caawiq xumadda ay kala kulmi karaa dhibaatadda ay sameynayaan kuwa ay mas'uulka ka yihiin, "" Xitaa hadii aynu soo qaban karno Ninka burcadka ah sooma qaban doono lakiin halkiisa ayeeynu ku dili doonaa, sidaa daraadeed cida arintaasi ay dhibeyso waa in ay hadda ka digtoonataa.
 
Inkastoo sida uu hadalka u dhigay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan la oran karo waa kuwo hadii ficil loo rogo wax weyn ka tari kara suggida nabad-galyadda guud, ayaa hadana waxaa hubaal ah in marka la eego sida arimuhu u socdaan aysan aheyn wax wax sahalan soo afjaridda Nabad-galayo daridda jirta mar hadii ilaa iyo hadda maamulku ku guuleysan in uu soo qabto kooxihii ka danbeeyay dilalkii is xig xigay ee ka dhacay Magaladda Beledweyne kuwaa oo lagu qaarjiyay qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka iyo Saraakiisha Ciidamadda.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia