Axad, February 10, 2008(HOL): Wasiirka Wasaaradda Khaarajiga Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa markii u horreysay Golaha Wakiillada uga xog-warramay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland iyo halka ay marayso.
Md. Cabdillaahi Maxamed oo hortegay Guddiga Joogtada ah ee Wakiillada, ayaa waxa uu mudanayaasha faahfaahin dheer ka siiyey guud ahaan siyaasadda arrimaha dibadda iyo hawlgallada Somaliland beesha caalamka kaga raadinayso aqoonsi caalami ah.
Kulankaas oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wakiilka Somaliland u dalka Faransiiska Md. Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) iyo Marwo Jawaahir Cali Sheekh Madar oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa ugu horreyn waxa uu sharraxaad kaga bixiyey heerka ay hadda marayso qaddiyadda aqoonsi-raadinta Somaliland, siyaasadda dibadda ee xukuumadda iyo hawlgallada wasaaraddiisa.
“Arrinkeenu maanta waxa uu marayaa oo aynu haysanaa tixgelin siyaasadeed, waxa inaga maqani waxa weeye aqoonsi dhab ah, taana dadaalkeeda in aynu galno ayaa loo baahan yahay,” ayuu yidhi Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale.
Wasiirka oo sharraxaad ka bixinayey waxyaabaha u qabsoomay wasaaraddiisa ee ku wajahan siyaasadda arrimaha dibadda waxa uu yidhi; “Wasaaradda Arrimaha Dibedda maanta waxa u meel maray iyada oo tixgelin siyaasadeed ku meel-martay, saaxiibo badana samaysay, xafiisyo badan la innooga shaqaynayo sida Addis ababa, Koonfur Afrika, Ingiriiska, Belgium, Talyaaniga, Faransiiska Ireland, Norway, Sweden, Maraykanka, Jarmalka, Kenya, Chana, Yemen oo ah dalka carbeed ee qudha ee rasmiyan inoogu ogolaaday in aynu xafiis ku yeelano, Liibiyana cid baanu hadda geynaynaa aan is leenahay xod xodasho badan waydun ka samayn kartaan. Waxa kale oo aynu leenahay wakiilo sharafyo badan oo meel kala duwan inoo jooga sida Denmark, Canada, China, Sir lank, Sucuudiga, Kuwayt, Musanbiig iyo dalal kaleba.” Sidoo kale Wasiirku wuxuu aad ugu dheeraaday tallaabooyinka ay ilaa hadda qaadeen Wasaarad ahaan iyo waxa u qabsoomay.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.