Xukun qas qaas ah oo maanta lagu fuliyay Sarkaal ka tirsanaa Midowgga Maxkamadaha Goballka Hiiraan.

Cabirka Farta
Talaado, 23, 12, 2008 (HOL) - Waxaa maanta Xukun qas qaas ah ay ku riday Maxkamada Degmada Beledweyne C/llaahi Xasan Bare oo ka tirsanaa Saraakiisha Midowgga Maxkamadaha, gaar ahaa waxaa uu horjooge u ahaa Ciidamada Xog-hayaha Arrimaha gudaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan.
 
C/llaahi Xasan Bare oo kiiska dacwada ka dhanka ah ay ka furantay Maxkamada galinkii danbe ee shalay ayaa waxaa maanta meel fagaaro ah ku toogtay wiil uu dhalay mid ka mid ah Saraakiisha la dilay kadib markii ay sidaa ku hishiiyeen Ehellada labada Marxuum, iyada oo xukunka dilka ah lagu fuliyay meel fagaaro ah.
 
Dadkii ka soo qeyb-galay daawashada sida ay wax u dhacayeen ayaa siweyn ugu farxay talaabada ay qaaday Maxkamada Islaamiga Goballka Hiiraan oo dad badani u fasireen ay ay tahay talaabo muujineysa jirtaanka Cadaalad dhab ah mar hadii la qas qaasay Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha .
 
Waxaana dhinaca kale xusid mudan in falka lagu fuliyay C/llaahi Xasan Bare uu noqonayo kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay fuliso Maxkamada Islaamiga Goballka Hiiraan, waxaana inta badan caado ah marka ay dhacaan dilalka in beeluhu hoos ahaa ugu hishiiyaan xeer jajab ka dhan ah Shareecada Islaamka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]