![]() |
| Sida ay ahayd Cajabo Qalliinka ka hor |
Cajabo waxay joogi doontaa maagaalda Nairobi mudo bil ah, waxayna ku noqon doontaa baaristii ugu dambaysey inta aysan ku noqon Magaalada Mogadishu. Bisha ay joogto Nairobi waxay rabaan inay ogaadaan inta aysan aadin Magaalada Mogadishu haddii wali aan wax hagaagin. Waxayna rabaan Dhaqaatiirtu inay hubiyaan wax kasta inta aysan Cajabo ku laabin Soomaliya.
Allaah Mahaddii sida ka muuqata ama Farxadda ka muuqata Cajabo hooyadeed oo aad aragtaan waa mid Allaah loogu shukriyo iyo mid ay ku farxaan dhamaan umadda Soomaliyeed ee wax la qabatey Gabadhaan yar oo burada kaga soo baxdey qoorta ilaa daanka.
Mar aan la hadlaayey Dhaqatarkii qalliinka ku sameeyay ayaa waxaa uu ii sheegay in cajabo xaaladdeeda ay wanaagsan tahay, qalliinkeedana ay ku guuleysteen. Mahaddaas waxaa leh Allaah ka sakoow dhamaan umadda Soomaaliyeed ee gacanta ka geysatay sidii Cajabo Isbitaalka Nairobi loo geyn lahaa, si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa Soomaalida Yellowknife oo Canada ah iyo Soomaalida ku dhaqan Texas iyo Minnesota oo Mareykanka ah.
![]() |
| Sida ay tahay Cajabo Qalliinka kadib (Allaah ayaa mahad leh) |
Cajabo waxay ku noqon doontaa bil kadib Magaalada Mogadishu oo ay joogaan walaalaheed iyo aabaheed oo aad ugu faraxsan sida wanaagga leh ee aad ugu gurmateen. Waxaa kaloo maanta ka dagaya Nairobi laba caruur oo qaba cudur madaxa biyaha geliya oo loo yaqaan ( Hydrocephalus) waxaana lagu qali doonaa Isbitaal ku yaala Nairobi.
Mid waxaan ka soo qaadney Magaalada Jamaame, mid kalena waxaan ka soo qaadney magaalada Mogadishu. Faraxadaha iigu wanaagsan ee aan la farxo mar kasta waxay tahay markii aan la hadlo Hooyo canugeeda taahayo xanuun dartiis oo aan u sheego inaan ka soo wacaayo Maraykanka si aan u caawiyo ilmahaa yar ee xanuusan hadii ilaah ogolaado, oo aan doonaayo inaan u qaadno Kenya Nairobi.
Runtii maanta waxaa farxadaas ila wadaagaayo dhamaan intii aan wax ka gaysatey wanaaggaas iyo inta qalbiga kaga soo ducaysey. Ilaah waxaan ka baryayaa inuu nagu abuuro naxariis in aan isu sameyno iyo cabsida ilaahay.
Haddaba, ciddii dooneysa inay caawiso ama raba inay wax kala socoto Xaaladda Caafimaad ee Cajabo yarey hala xiriirto Caabiyo Ciise oo laga helo 612-298-1044 Minneapolis Minnesota ama Fartuun Hussein oo laga helo 612481-4623 Minneapolis Minnesota ama Cabdi Muuse Maaxaay oo lagala xiriiri karo [email protected].
Cabdi Muuse Maaxaay
[email protected]
Rochester, Minnesota

