Midowga Afrika oo waqtiga ay Muqdisho joogayaan u kordhiyay Ciidamada Uganda iyo Burundi

Cabirka Farta

Talaado,  December 23, 2008(HOL): Golaha Ammaanka Midowga Afrika ayaa go’aan ku gaaray in Ciidamada Burundi iyo Uganda ee ku sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay halkaas sii joogi doonaan muddo labo bilood ah.

Shir ay Xubnaha Golaha Ammaanka Midowga Afrika ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya ayaa waxaa gunaanadkiisii laga soo saaray in Ciidamo nabad ilaaliyayal loo diro Soomaaliya inta uusan waqtiga ka dhicin Ciidamada Amisom ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Dowladda Nigeria ayaa Midowga Afrika u xaqiijisay in ay Ciidamo u direyso Soomaaliya, kuwaasi oo ku biiri doona Ciidamada Amisom ee ku sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Go’aankan ka soo baxay Shirka Golaha Ammaanka Midowga Afrika ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya shan bisha Janaayo ee soo socota, iyadoo caddeysay in aysan waqtigaas dib uga dhici doonin.

Dowladda Itoobiya ayaa ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 2006, xiligaas oo ay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay ka talinayeen Maxkamadaha Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia