Talaado, December 23, 2008(HOL): C/llaahi Xasan Barre oo ka tirsan Saraakiisha Maxkamadaha Goballka Hiiraan isla markaana hor jooge u ahaa Ciidamada Xog-haya Arrimaha gudaha Isbaheysiga dib u Xoreyenta Dalka Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa la horkeenay Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee Degmadda Beledweyne, kadib markii lagu soo eedeyay in uu toogsho ku dilay labo Sarkaal oo ka tirsanaa Maamulka Islaamiga ah ee ka dhisay Goballka Hiiraan.
Dhageysiga kiiska ka dhanka ah C/llaahi Xasan Bare oo ay goob joog ka ahaayeen Ehellada Labada Marxuum ayaa sidoo kale waxaa dhinacooda goobta fadhiyay Mas'uuliyiinta Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan oo uu ka mid ahaa Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow iyo waliba qaar ka mid ah Culimada ku dhaqan Magaalada Beledweyne.
C/llaahi Xasan Barre ayaa Maxkamadda horteeda ka qirtay in uu dilay Alle ha u naxariistee Cilmi Max'ed Maalin iyo waliba Axmed Suufi oo labadaba ahaa Saraakiil ka tirsan Midowga Maxkamadaha Goballka Hiiraan, waxaana uu intaa ku daray in uu jiray muran u dhaxeeyay isaga iyo waliba Cilmi Max'ed Maalin halka Axmed Suufi uu sheegay in rasaastu ay ku haleeshay si aan ula kac ahayn.
Intaa kadib waxaa arinta guda galay Culimada si markaa loo waafijiyo kiiska Shareecada Islaamka, waxaana saacado kadib loo balamay in arinta dib loo dhigay si loo sameeyo baaritaan ku saleysan Shareecada Islaamka iyo wax ay ka qabto dilka noocaas oo kale ah.
Haddii uu ku dhamaado kiiska C/llaahi Xasan Barre qas qaas (Dil) waxaa ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo uu Maamulka Maxkamadaha Islaamigu dil ku fuliyo Sarkaal ka tirsan isla Maxkamadaha horjoogana u ah Ciidamada Mas'uul ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta Dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Maxkamadda Degmadda Beledweyne oo bilaawday dhageysiga Dacwad ka dhan ah Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha oo horay u dilay Saraakiil ka tirsanaa Maamulka Islaamiga
Cabirka Farta
More News
- Xukun qas qaas ah oo maanta lagu fuliyay Sarkaal ka tirsanaa Midowgga Maxkamadaha Goballka Hiiraan.
- Carwo-buugeeddii Jibouti 2008 oo la soo gabagabeeyay
- Madaxwaynaha Puntland oo sheegay in Xaaladda Soomaaliya ay khatar geli doonto sanadaha soo socda
- CUMAR XAASHI: "Waxaan diyaar u nahay inaan la wareegno saldhigyada ay ka baxayaan Ciidamada Itoobiya”
- WAR FARXAD LEH: Qalliinkii Cajaba Maxamed (gabar yar oo buro weyn ay ku taalay) oo lagu guuleystay
- Madaafiic lagu duqeeyay Suuqa Bakaaraha
- Midowga Afrika oo waqtiga ay Muqdisho joogayaan u kordhiyay Ciidamada Uganda iyo Burundi