Talaado, December 23, 2008(HOL): Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi oo maalin ka hor lagu soo dhaweeyay magaalada Qardho ee gobolka Kar Kaar ayaa ka hadlay xaalado badan oo ka jira gudaha dalka Somalia.
Ugu horayntii Madaxwaynaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka ka dhax taagan xukuumadda TFGga ee lagu soo dhisay daka Kenya ,isagoo arimahaasi ku tilmaamay in ay dhibaato u horseedi karaan shacabka Soomaaliyeed oo muddo bur bur ku soo dhex jiray.
Madaxwaynaha DGPL ayaa ka digay dhib loo gaysto shacabka Somaaliyeed,waxaana uu eedayn ballaaran dusha kaga tuuray dhinacyada isku haysa siyaasadda dalka Somalia, isagoo intaasi ku daray in Umudda Soomaaliyeed ay khatar ku sugan yihiin sanadaha soo socda haddii aan wax laga qaban dhibaatooyinka jira.
"Mar la arko waxaa jirta in Soomaalida laga dhax shaqeeyo ,waxaana loo baahanyahay xal dag dag ah oo arimahaasi laga gaaro" Sidaasi waxaa yiri Madaxwayna DGPL Jen Cadde Muuse oo la hadlayay shacabka Qardho.
Madaxwayne Cadde ayaa ku eedeeyay rabshadaha ka jira dalka Soomaaliya Dawlado shisheeye ,waxaana uu ku taliyay in Soomaalida dhexdooda ay ka dhamaystaan khilaafaadka jira.
Hadalka Madaxwaynaha ayaa ku soo aadaya xili khilaaf aad u xooggan uu ka dhax taagana yahay Madaxda dawladda ugu saraysa ,iyadoo docda kalena ay wali ciidamada Itoobiya ku suganyihiin magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia