Carwo-buugeeddii Jibouti 2008 oo la soo gabagabeeyay

Cabirka Farta


Talaado,  December 23, 2008(HOL): Waxaa 22-kii December 2008 lagu soo gebageebayay Xarunta Jaamacadda Djibouti Carwo-Buugeeddii Jibouti 2008 oo uu soo qaban-qaabiyay Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurayaasha Soomaaliyeed, taasi oo muddo seddex cisho ah ka socotay Guriga Umadda Jibouti.

Carwo-buugeedda waxaa isugu yimid ka-qaybgalayaal ka kala yimid Jabuuti gudeheeda, Muqdisho, Hargeysa, Boosaaso, Jigjiga iyo meelo kaleba, xawayna ka koobnaayeen, qorayaal, abwaanno iyo buug-faafiyeyaal.

Barnaamijka Carqo-buugeeddu wuxuu ka koobmey shan qaybood oo waaweyn, kuwaas oo kala ah :

1) Xafladdii furitaanka
2) Soo bandhigidda buugaag ku qoran afka hooyp
3) Aqoon-is-weydaarsi ama dood-cilmiyeed lagu lafa-gurayey qoraalka iyo buug-faafinta af-soomaaliga iyo caqabadaha hor taagan; iyo
4) Buug-wadaag maalmo kala duwan lagu kala qabtay xarumaha waxbarashada Jamhuuriyadda Jabuuti, sida Jaamacadda Jabuuti iyo dugsiyada sare, halkaas oo ay qorayaal iyo abwaano caan ah iyo kuwo soo korayaba ardayda iyo macallimiinta kula wadaagayeen wixii ay qoreen ardayduna doodo iyo su’aalo kaga qayb qaadanayeen.
5) Iyo habeen suugaan-wadaag ah oo lagu lammaaniyey xafladdii xiritaanka.

Carwo-buugeeddu waxay lahayd saddex ujeeddo, kuwaas oo kala ah: (1) Hirgalinta erayga qoran; (2) horumarinta afka hooyo iyo (3) himmad-galinta iyo u hiillinta qorayaasha soo koraya.

Carwadu waxay ku furantay xaflad weyn oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayna ka soo qaybgaleen madax sare oo dowladda Jabuuti ka socotey, marti-sharaf, dadweyne iyo kaqaybgalayaashii ka kala yimid meelaha kala duwan. Carwada waxaa furay wasiirka Dhaqanka iyo Warfaafinta Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cali Cabdi Faarax, waxaana ka hadlay dad kale oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Naadiga PEN, qoraa sare Maxamed Daahir Afrax, Xaashi Cabdillaahi oo ka mid ah odayada PEN, abwaan Aadan Faarax oo ku hadlayey magaca suugaanleyda reer Jabuuti iyo qoraa Sahra Jaamac Saalax oo ku hadleysey magaca qorayaashii dibadda laga casumay.

Ka dib xafladdii furitaanka, waxaa la galay fadhigii koowaad ee Aqoon-is-weydaarsiga maalintiisa koowaad,.

Maalintii koowaad ee uu furmay barnaamijka Carwo-buugeedda waxaa looga dooday xaaladda qoraalka, akhriska iyo buug-faafinta ee deegaannada kala duwan ee ay degaan dadka ku hadla ama qora Afka Hooyo.

Maalintii labaad ee uu barnaamijka sii socdayna waxay ka qeybgalayaasha uga doodeen Tarjumidda iyo xasilinta  Af-Soomaaliga Qoran: Caqabadaha Taagan iyo waddada horumarinta Afka Hooyo.

Maalintii ugu dambeysayna waxaa Carwo-buugeedda looga dooday Caqabadaha iyo Cawaaqibka Qoraalka Af-Soomaaliga iyo Adeegsiga Tiknoolojiyada, iyadoo ay xusid mudneyd in barnaamij kasta gunaanadkiisa ay su’aalo iyo doodo is-weydaarsanayeen ka qeybgalayaasha.

Waxaa kale oo  xusid mudan in Isu imaatinkii seddexda Maalmood ee Carwo-Buugeedda Jibouti ay ka soo baxeen talooyin wax ku ool ah kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen:

1- In la joogteeyo Carwo Buugeedda Jibouti lana kordhiyo kulan aqooneedyadeeda iyadoo dadka lagu wacyigelinayo laguna lafo-gurayo baahida loo qabo qoraalka iyo buug faafinta siiba kuwa ku qoran Afka Hooyo.

2- In la sameeyo guddi u xil-saaran qaban-qaabinta Carwo Buugeedda Jibouti, kana kooban Rag iyo Dumar ku nool Geeska Afrika ama Dunida inteeda kale oo ku howlan  horumarinta qoraalka iyo faafinta Buugaagta ku qoran Afka Hooyo iyago lala kaashanayo hayadaha dawliga iyo rugta ganacsiga.

3- In la sameeyo Hay’ad u xil-saaran eray-bixinta iyo xasilinta qoraalka Soomaaliga, taasi oo ay xubno ka yihiin Aqoonyahanno iyo Oday-dhaqameedyo ka kala socda deegaannada Soomaalida, xarunteeduna tahay Jibouti  In naadiga PEN-na iyo machad afafka ee jabuuti uu soo jeediyo qorshe howleedka lagu hirgelin karo abuurista iyo howl-gelinta Hay’addan.

4- In xoog la saaro  u soo tarjumidda Af-Soomaaliga Buugaagta waa weyn ee Dunida si loogu suurtageliyo dadka Soomaaliyeed in ay helaan aqoonta iyo cilmiga  ku qoran afafka kale wixii aan lid ku ahayn dhaqanka iyo diinta.

5- In la badiyo kulanno dadka lagu wacyigelinayo ama ciddii awood u leh lagu wacyigelinayo faa’iidooyinka ka ganacsiga buug faafinta, dadka iminka ku jirana lagu wacyigeliyo in ay raacaan, ilaaliyaan-na habka daabacaadda iyo ka ganacsiga Buugaagta ee ay dunida wadaagto iyadoo lala kaashanayo Rugta Ganacsiga

6- In la sameeyo  Shabakad isku xireysa dadka iyo shirkadaha faafiya buugaagta ku qoran Af-Soomaaliga ee ka howlgala Dhulka Soomaalida iyo Qurbaha

7- In Dowladda Jibouti loo gudbiyo codsi ku saabsan in la qafiifiyo nidaamka lagu canshuuro buugaagta lagu horumarinayo Afafka Hooyo ee Maktabadaha Jibouti yaala, si loo dhiirigeliyo wax ku qorista Afafka Hooyo.

8- In la xoojiyo  taageerana loo helo hay’adaha iyo ururrada Geeska Afrika iyo Qurbaha ee ay shaqadoodu ku lug leedahay qoraalka buug faafinta iyo cilmi baarista, lana helo qaab ay ku wada shaqeeyaan.

9- In la sameeyo Sanduuq loogu talagalay daabacaddaada Buugaagta lagu qoray Afafka Hooyo, lana hirgeliyo Hay’ad la kaashata ganacsatada iyo ciddii awood u leh oo ku howlan soo saarista iyo daabacaadda Buugaagta Afka Hooyo.

10-In qorayaasha lagu dhiirigeliyo in ay sharxaan erayada iyo tuducyada fahamkoodu adag yahay ee ku jira buugaagta ay soo saarayaan iyo intii ay horay u soo saareen.

11- In ka qeybgalayaasha Carwo Buugeeddan iyo Aqoon isweydaarsigan ay faafiyaan talooyinka ka soo baxay kulankan, iskana xil-saaraan hirgelinta talooyinkan, iyagoo xiriir joogto ah iyo wada shaqeyn la yeelanaya Naadiga PEN.

12- In la sameeyo keyd lagu uruuriyo Buugaagta lagu soo saaro Afafka hooyo oo aayo-reeb ah.

Carwada qaybteedii lagu magacaabay “buug-wadaag” ee ka dhacaysey xarumaha waxbarashada waxay ku bilaabantay Dugsiga sare ee Lyce d’Etat Djibouti. Halkaas oo uu ka dhacay aqoon-wadaag ku saabsan suugaantii iyo buugaagtii abwaannada kala ah Aadan Faarax Samatar, Axmed Aw Geeddi, Beddel Cabdillaahi iyo fannaanka caanka ah, Cabdinuur Allaale. Wuxuu ahaa barnaamij aad u xiisa badan oo ay wax badan ka faaidaysteen ardayda iyo macallimiinta.

Maalin-labaaddii, 21ka December, barnaamij kaas la mid ah ayaa wuxuu ka dhacay dugsiga sare ee Al-Imam Annawawi. Halkaasna waxaa murtidooda iyo buugaagtooda ardayda iyo macallimiinta la wadaagay laba qoraa oo waaweyn, kuwaas oo kala ah qoraaga ruug-caddaaga ah, Aw Jaamac Cumar Ciise oo laga doodayey buug uu ka qoray taariikhda Jabuuti iyo Shirweynihii Carta;  iyo Sahra Jaamac Saalax oo laga soo casumay dalka Imaaraadka Carabta lagana dood-wadaagayey buug cusub oo ay ku magacawday "Hinnaasaha Goobaha Shaqada". Waxaa iyana goob-joog ahaa dood-wadaaggana qayb ka qaatay qoraa sare Maxamed Daahir Afrax iyo aqoonyahan Maxamed Cabdillaahi Riiraash iyo qaar kale oo ka mid ah madaxda Naadiga PEN. Ardayda iyo macallimiinta oo hore u soo akhriyey buugaagta ayaa qayb libaax ka qaatay dood-wadaagga, waxayna naadiga PEN uga mahad caliyeen fursadda qaaliga ah ee uu siiyey. 

Wuxu ahaa barnaamij asna la mid ah una xiisa badan sida kii hore. Maalin-saddexaaddiina barnaamijka buug-wadaaggu wuxuu ka dhacay Jaamacadda Jabuuti. Waxaa laga dood-wadaagay tarjumadda af-Soomaaliga ee buugga caanka ah Futuuxul Alxabashah. Qorayaashii iyo aqoonyahannadii halkaas ardayda jaamacadda ugu tagey waxaa ka mid ahaa Dr. Khadar Cali iyo aqoonyahan Maxamed Cabdillaahi Riiraash oo ka mid ah tarjumayaasha buugga.




Intaas kadib  Carwo-Buugeeddii ka socotay guriga Umadda Jibouti ayaa waxaa lagu soo xiray munaasabad ka dhacday Xarunta Jaamacadda Djibouti, taasi oo ay ka qeybgaleen qorayaal iyo hal-abuurro ka qeybgalay Carwo-buugeedda, mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Jibouti, Arday wax ka barata Jaamacadda Djibouti iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda lagu xirayay Carwo-Buugeedda ayaa waxay ahayd mid aad u xiiso badan, waxaana Suugaan kala duwan ka soo jeediyay Abwaanno ay ka mid ahaayeen Abwaan C/qaadir Cabdi Shube oo Boosaaso ka socday, Abwaan Axmed Aw-geeddi oo Hargeysa ka socday, Abwaan Bedel C/llaahi oo ka socday Jig-jiga iyo Abwaan C/llaahi Xasan Feero-Geelle oo Jibouti ka socday, waxayna Abwaannada ka jawaabayeen su’aalo ay weydiiyeen Ardaydii iyo marti sharaftii munaasabadda lagu casuumay.

Abwaannada ayaa waxay kula dardaarmayeen Ardayda wax ka barata Jaamacadda Jibouti ee munaasabadda ka qeybgalay in ay ku daadaalaan sidii ay ku hadalka iyo qoraalka Afkooda Hooyo ay u horumarin lahaayeen.

Intaas kadib waxaa isagoo  ku hadlayay magaca Naadiga Somali-Speaking PEN u mahadceliyay Dowladda Jibouti iyo ka soo qeybgalayaasha Carwo-Buugeedda Maxamed Riiraash oo oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in aanu isu imaatinkaas dhici lahayd haddii aaney Dowladda Jibouti suurtagelin, sidoo kalena wuxuu u mahadceliyay Dadkii ka soo qeybgalay Carwo-Buugeedda Jibouti 2008, kuwaasi oo ka kala yimid Dhulka ay Soomaalida degaan iyo Qurbaha.

Ugu dambeyntiina, Idiris Muuse oo ah Agaasimaha Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka Jibouti ayaa soo jeediyay eraygii xiritaanka Carwo-buugeedda Jibouti 2008 wuxuuna ka hadlay dhaqaaqa uu sameynayo Naadiga PEN ee qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in la sameeyo barnaamijyo dadka lagu barayo Afka hooyo, iyadoo buu yiri loo marayo Warbaahinta.



Halkan ka fiirso Sawirradii Furitaanka Carwo-Buugeedda Jibouti 2008-HOL

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia