Talaado, December 23, 2008(HOL): Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa lagu duqeeyay madaafiic xooggan, kuwaasi oo ka soo dhacayay dhinaca Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Madaafiicda lagu garaacay Suuqa Bakaaraha ayaa waxay bilaabatay kadib markii madaafiic hoobiyayaal ah lagu duqeeyay Xarunta Villa Somalia, waxaana ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha ay madaafiicdaas geysteen.
Waxaa gebi ahaanba hakad galay dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha, waxaana la arkayay dad badan oo gudaha Suuqa ku kala cararayay, kuwaasi oo ka baqayay in ay waxyeello ka soo gaarto madaafiicda Suuqa lagu duqeeyay.
Shalay gelinkii dambe ayay ahayd markii dagaal ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo gaaraya 3 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca dad kale oo 15 ruux ka badan.
Marka ay dagaallo ka dhacaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxay dhibaatada ugu badan soo gaartaa dadka rayidka ah, kuwaasi oo iyagoo aan waxba galabsan ay madaafiic ama rasaas habow ah ay kula dhacaan guryahooda ama goobahooda ganacsiga.
Wixii war ah ee ku soo kordha Duqeynta loo geystay Suuqa Bakaaraha kala halkan haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia