Ogeysiis Muhiim ah
Khamiis, December 18, 2008(HOL): Dadweynaha jecel suugaanta iyo akhriska waxaa loogu bishaaraynayaa in dhawaan la qaban doono Carwada Djibouti ee Buugaagta iyo suugaanta qoran.
Waa bandhig-dhaqameed aad u xiisa badan. Waxaa la soo bandhigi doonaa buugaag badan oo dhawaan la daabacay. Badankoodu waa buugaag ku qoran afka hooyo, waxayna ka hadlayaan arrimo badan oo kala duwan. In badan oo ka mid ah waxay ku saabsan yihiin dhaqanka, suugaanta, afka iyo taariikhda dalkeenna iyo gobolkeenna. Waa buugaag laga kala keenay dalal kala duwan oo ku yaal Geeska Afrika.
Bandhigga waxaa ka soo qayb gali doona qorayaal, aqoonyahanno iyo halabuurro waaweyn oo iyana ka kala yimi waddano kala duwan. Muddada uu bandhiggu socdo waxaa socon doona dood-wadaag, buug-wadaag, suugaan-wadaag iyo kulanno wax lagu kala faai’daysanayo. Waxaa goob-joog noqon doona qaar ka mid ah qorayaasha curiyey buugaagta la soo bandhigayo.
Haddaba yay ku seegin fursaddaas qaaliga ah.
Halka lagu dhgayo Waa Guriga Ummadda, Jabuuti. Qaybo ka mid ahna waxaa lagu qaban doonaa Jaamacadda Jabuuti, Dugsiga Sare ee Annawawi iyo Dugsiga sare ee Lycee-ga Jabuuti.
Wuxuu socon doonaa 20 – 22 December 2008, 8da subaxnimo ilaa 9ka habeenimo.
Galitaanku waa lacagla’aan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Djibouti