Jawiga Magaalada Beledweyne oo kacsan kadib markii maanta is-rasaaseyn ku dhexmartay kooxo iska soo horjeeda

Cabirka Farta

Khamiis, December 18, 2008(HOL): Xaaladda Magaalada Beledweyne ee Xarunta ah Goballka Hiiraan ayaa wali u muuqata mid xaaladdeeda kacsan tahay kadib markii goor hore oo maanta ah is-rasaaseyn ku dhexmartay gudaha Magaalada kooxo Siyaasad ahaan iska soo horjeeda.
 
Is-rasaaseynta labada dhinac ayaa timid kadib markii kooxo hubeysan weerar si lama filaan ah ugu qaadeen Xarunta Maamulka Goballka Hiiraan oo uu waqtigaas ku sugnaa Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow, waxaana inta la og-yahay is-raaseyntaas ku dhaawacay mid ka mid ah kooxihii dirirtu dhaxmartay.
 
Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo is-rasaaseyntaas kadib la hadlay qalabka warbaahinta ayaa sheegay in kooxo Maleeshiyo ah ay weerar ku soo qaadeen Xafiiskiisa, waxaana uu intaas raaciyay in Ciidamadu iska caabiyaan kooxaha weerarka soo qaaday. laakiin waxaa uu ka gaabsaday in uu caddeeyo cidda kooxdaasi ahaayeen.
 
Shiikh C/raxmaan mar la weydiiyay in Colaaaddu tahay mid u dhaxeysa isaga iyo waliba kooxo ka soo horjeeda Siyaasaddiisa ku wajahan Jabuuti, ayuu sheegay in uusan ogeyn cidda dhab ahaan ahaayeen kooxaha weerarka soo qaaday hase ahaatee ay ciidamadiisa iska caabiyeen.
 
Sidoo kale waxaa uu sheegay in isaga shakhsiyan uusan xiligan la dhacsaneyn heshiiska Jabuuti isla markaana uusan ka soo horjeedin, laakiin waxaa uu yiri "Heshiiska Jabuuti mar walba waxaan ka aaminsanahay hadba halka Culimada Soomaaliyeed dhigaan.
 
Wali waxaa gudaha Magaalada ku wada sugan dhinacyadii iska soo horjeeday kuwaas oo qaarkood soo galay Magaalada kadib shaqaaqo shalay galinkii danbe ka dhacday gudaha Magaalada taasoo ay ku geeriyoodeen Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga.
 
Lama oga sida saacadaha soo socda xaaladdu isku badali doonto, waxaana mar walba xusid mudan in uu jiro dadaal ay wadaan Odayaasha dhaqanka Beelaha Goballka Hiiraan si markaas xaaladda loo qaboojiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia