Maamulka Gobolka Bari oo wax laga xumaado ku tilmaamay cunaqabateyntii ay Dowladda Kenya ku soo rogtay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed

Cabirka Farta

Khamiis, December 18, 2008(HOL): Maamulka gobolka Bari ee magaalada Boosaaso ayaa ka digay in dhibaatooyinka ka jira dalka Somalia ay sii kordhaan, iyadoo ay jiraan xaalado siyaasadeed oo aad u adag.
 
Guddoomiyaha gobolka Bari Muuse Geelle Faroole oo ka hadlayay munaasbad looga soo horjeeday hadalkii ka soo yeeray dawladda Kenya ee ahaa in cunaqabatayn lagu soo ragi doono Madaxwaynaha Somalia iyo Qoyskiisa ayaa sheegay in loo baahan yahay xal Siyaasadeed oo la dhax dhigo dhincayda isku haya siyaasadda dalka Somalia.
 
Muuse Geelle Faroole ayaa sheegay in xaaladda dalka ay iminka tahay mid aad udag oo aan lagu fiirsan karin,waxaana uu taageeray Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere.
 
"Looma baahna in xaaladda Soomaaliya la sii huriyo ee waa in la raadiyo xal loogu gudbin karo dhibaatooyinka hadda jira"sdiaas waxaa yiri guddoomiyaha gobolka bari Muuse Geelle Faroole.

Sidoo kale waxaa uu wax lagu xumaado ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Kenya ee ahaa in madaxwaynaha Somalia cunaqabtayn lagu soo rogi doono isaga iyo qoyskiisa,isagoo ugu baaqay in uu arintaasi raali galin ka bixiyo.
 
Ugu dambayntii hadalka ka soo yeeray maamulka Gobolka Bari ayaa ku soo beegmaya labo maalin kadib markii uu Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Kenya Moses Watengula uu sheegay in cunaqabatayn lagu soo ragay madaxwaynaha Soomaaliya iyo Qoyskiisa.
 
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia