Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha oo sheegay inaysan ogolaanayn in ganacsi dhacday lagu gado suuqa

Cabirka Farta

Khamiis, December 18, 2008(HOL):Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay inaysan aqbalayn mar dambe in lagu iibiyo gudaha suuqaas raashin, dawo iyo waxyaabo kale oo dhacay, iyagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ganacsadihii lagu aro.

Cali Max'ed Siyaad (Cali Dheere) oo maanta wareysi siiyay Idaacada Shabeele ee Muqdisho ayaa sheegay in ganacsatada ay ugu baaqayaan inay ka digtoonaadaan inay ganacsi dhacay ku iibiyaan Suuqa.

"Ganacsadihii lagu helo isagoo iibinaya raashin dhacay, dawo dhacday iyo wax kale oo dhacay, waxaa laga qaadi doonaan tallaabo, hantidiisana waa lala wareegi doonaa" ayuu yiri Cali Dheere.

Guddoomiyaha ganacsatada Bakaaraha Cali Dheere ayaa hadalkiisa ku soo beegay xili dhawaan ay Al-shabaab gacanta ku soo dhigay waxyaabo dhacay oo lagu iibinayay Bakaaraha.

Xoogagga Al-shabaab ayaa waxay qabteen bagaash dhacay oo ay ka mid yihiin: Nacnac, Coffee, Caano-boore, Buskut iyo Shukulaato, iyagoo sheegay in alaabtan oo dhan ay dab qabadsiin doonaan.

Sidoo kale Cali Dheere wuxuu sheegay in hay'adaha u dooda Xuquuqda Aadnaha ee Caalamka ay u gudbin doonaan dacwooyin ka dhan ah maraakiibta ganacsiga dhacay u soo qaada Somalia.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ay qaadaan ganacsatada Bakaaraha, iyadoo xarakada Al-shabaab ay ganacsatada ku booriyeen inay ku soo wargeliyaan ciddii dooneysa in ay waxyaabo dhacay ku iibisa Suuqa Bakaaraha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia