Khamiis, December 18, 2008(HOL): Afar ruux ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu dilay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Labo ka mid ah dadka la dilay ayaa waxay ka mid ahaayeen rakaab la socday gaari BL ah oo marayay nawaaxiga Isgoyska KM5 ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkooda ka dambeeyay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qof kale oo rayid ah ayaa waxaa nawaaxiga Xeradii Asluubta ku toogtay Ciidamo Itoobiyaan ah oo xeradaas ku jira, iyadoo ilaa iyo haatanna aan la ogeyn sababta ay Ciidamada Itoobiyaanka u toogteen qofkaas oo la sheegay in uu ka mid ahaa darawallada kaxeeya gaadiidka isaga kala goosha Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Qofka afaraad ayaa waxaa gudaha degmada Afgooye ku dilay kooxo bastoolado ku hubeysan, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababtii ay ruuxaas oo rag ahaa u dileen, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ruuxa la dilay uu la shaqeynayay Ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku leh Degmada Afgooye.
Dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa in muddo ah waxaa ku soo badanayay dilalka loo geysanayo dadka rayidka, kuwaasi oo loo dilo siyaabo kala duwan, waxaana la is-weydiinayaa goorta ay dhamaan doonaan dilalkaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia