Khamiis, December 18, 2008(HOL): Xubno ka tirsan Hay'adaha Gargaarka ee Qarmmada Midoobay ayaa maanta gaaray degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo halkaas kulamo kula qaatay shaqaalaha gargaarka iyo maamulka Gobolkaas ka taliya.
Wafiga oo ka socday Barnaamijka horumarinta ee Qarammada Midoobay ee UNDP iyo Hay'adda dhanka caruurta qaabilsan ee UNICEF ayaa ku sugnaa Degmada saacado kooban.
Xubnaha wafdiga ayaa warbixino kala duwan ka dhageystay madaxda hay'adaha gargaarka ee ku sugan Jowhar, taasoo ku saabsanayn xaaladda gobolka iyo sida ay hay'aduhu ku shaqeeyaan.
Sidoo kale wafdigu wuxuu kulamo la qaatay shacabka degmadaas ku dhaqan, si uu u ogaado xaaladaha nololeed iyo mida caafimaad ee dadka Gobolkaas ku nool, iyagoo ugu dambeyna la kulmay maamulka.
Kulanka dhexmaray maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku saabsanaa ka hadalka ammaanka gobolka iyo sidii hay'adaha gargaarka iyo Maamulku ay isaga kaashan lahaayeen gacansiinta dadka dhibaateysan.
Wafdigan oo ka duulay Jowhar ayaa noqonaya kii saddexaad oo halkaas taga tan iyo markii uu gacan ku heynta gobolka Shabeelaha Dhexe la wareegay Maamulka Islaamiga ah ee haatan ka taliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia