Khamiis, December 18, 2008(HOL):Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Baydhabo, kaasoo ay ku ansixiyeen heshiiskii ay Dowladda Somalia iyo Isbahaysiga dib u xogeynta ku gaareen dalka Jabuuti.
Mudane C/waaxid oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ahna wasiirka dib u heshiisiinta xukuumada Nuur Cadde ayaa xildhibaannada u aqriyay qodobada heshiiska, isagoo ugu dambeyn ka dalbay inay ansixiyaan heshiiskaas oo aan ka horimaanay dastuurka dalka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay fadhiga ayaa sheegay in baarlamaanka looga baahan yahay inuu taageero heshiiskii Jabuuti, kaasoo isbadal u horseedaya Soomaaliya.
Heshiiskii Jabuuti ayuu sheegay Sheekh Aadan Madoobe inuu waafaqsan yahay dastuurka dalka, waxaana cod gacan-taag ah ku ansixiyay 153-mudane, iyadoo aysan jirin mudane diiday iyo mid ka aamusan intaba.
"Qodobada heshiiskii Jabuuti waa la ansixiyay, waana hirgaleen, mudanayaasha kulanka ka soo qaygalayna waxay ahaayeen 153-mudane" ayuu cod bixinta kaddib ka sheegay fadhigii baarlamaanka Somalia Sheekh Aadan Madoobe.
Sidoo kale Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta loo qeybiyay qoraal ka dhan ah Madaxweyne Yuusuf kaasoo lagu sheegay in Madaxweynuhu uu qiyaano-qaran galay, kuna xadgudbay shuruudaha dalka u dagsan.
Xildhibaan Ibraahim Yarow oo aqriyay qoraalka loo qaybiyay xildhibaannada oo looga horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu galay dambiyo ay ka mid yihiin Musuq-maasuq, Eex, kalitalisnimo iyo inuu faragelin ku sameeyay hay'adaha kale ee dowladda.
Xildhibaan Maxamed Qanyare ayaa ka sheegay fadhigii baarlamaanka in loo gudbiyo Madaxweynaha qoraalka ka dhanka ah, si uu isku difaaco, iyadoo Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay inuu ugu gudbinayo si dhaqso badan.
Dhanka kale Xildhibaano ku fikir ah Madaxweynaha Somalia ayaa waxay kulan gaar ah ku yeesheen Madaxtooyada Magaalada Baydhabo, iyagoo qaadacay fadhiyada Baarlamaanka.
Xildhibaan Carraale oo ka mid ahaa mudanayaashii ka qaybgalay kulankii Madaxtooyada oo la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in go'aankii ay soo saareen uu ahaa in caalamku uu dhexdhexaad ka noqdo arimaha taagan, soona diro guddi xaqiiqo raadin ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia