Arbaco, August 27, 2008(HOL): Waxaa maanta dib ugu laabtay Dalka Soomaaliya Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), kuwaasi oo maalmihii tegay ku sugnaa Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.
Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ay xalin waayeen khilaaf soo kala dhexgalay waxaa looga yeeray magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, halkaasi oo muddooyinkan noqotay meesha lagu soo dhameeyo khilaafaadyada madaxda sare ee Dowladda Federaalka, waxayna ugu dambeyntii halkaas ku gaareen heshiis dhowr qodob ka kooban oo ay ugu dambeyntii ku saxiixeen Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.
Seddexda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha Baydhabo waxay saxaafadda u sheegeen in ay ka soo heshiiyeen khilaafaadkii u dhaxeeyay, isla markaana ay Baarlamaanka u gudbin doonaan heshiiskii ay soo gaareen.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay madaxda Dowladda la hadlaan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo beryahan laga dareemayay saameyn uu ku yeeshay khilaafaadka soo kala dhexgalay madaxda Dowladda, kuwaasi oo iyagoo la kala safan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha diyaarinayay mooshinno iska soo horjeeda
Socdaalka ay Baydhabo ku tageen seddex mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xildhibaannada Baarlamaanka loo qeybiyay mooshin ay soo diyaariyeen xildhibaanno 80 Mudane ka badan, kuwaasi oo soo jeediyay in Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Cadde loo qaado codka kalsoonida, iyagoo taasina sabab uga dhigay in ay qaban weysay waxyaabihii looga baahnaa in ay qabato.
Lama oga in heshiiska madaxda sare ee Dowladda uu mooshinkaas meesha ka saari doono iyo in laga doodi doono, balse saacadaha soo socda ayay kala caddaan doonaan sida ay wax noqdaan
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia