Arbaco, August 27, 2008(HOL): Habeenkii labaad ayaa waxaa xalay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ka dhacay weerar lagu qaaday guri uu degan yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Weerarkii xalay oo loo adeegsaday Bambo Gacmeed ayaa waxaa lagu qaaday Guri uu Magaalada Baydhabo ka degan yahay Xildhibaan Maxamed Xuseen Raage, waxaana weerarkaas uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Ilaa iyo haatan inta la xaqiijiyay khasaaraha weerarkaas ka dhashay ayaa wuxuu gaarsiisan yahay dhimashada Wiil uu dhalay Xildhibaan Maxamed Xuseen Raage oo lagu magacaabayay C/qani iyo Wiil ay saaxibo ahaayeen iyo weliba dhaawac soo gaaray mid ka mid ah ilaalada Xildhibaanka.
Weerarka lagu qaaday Guriga Xildhibaan Maxamed Xuseen Raage ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horay weerar noocaan oo kale ah loogu qaaday Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kala ah C/nuur Ibraahim, C/llaahi Shaleyti, Caasha Axmed Cabdalla iyo Cabdi Axmed Dhuxulow, Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Cusmaan Xasan Cali Caato.
Habeen hore ayay ahayd markii Weerar noocaan oo kale ah lagu qaaday Guryo ay Baydhabo ka degan yihiin Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Xildhibaan Cusmaan Xasan Caato, inkastoo uusan weerarkaas geysan wax khasaare ah.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay oo aanu ammaankeeda hagaagsaneyn ayaa waxay Xarun KMG ah u tahay Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay ku yaalliin Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia