Arbaco, August 27, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee aan weli xilka wareejin Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa wuxuu soo dhaweeyay in Gobolka Banaadir loo sameeyo maamul ay dadka soo doorteen.
Maxamed Dheere oo wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in uu aqblayo haddii ay dadka deegaanka soo dooranayaan Maamulka Gobolka Banaadir, “Haddii maamulka Gobolka Banaadir ay soo dooranayaan dadka deegaanka taasi waan soo dhaweynayaa, waayo dadka ayaa waxay dooran doonaan ciddii ay doonaan, anigana iyaga ayaan ka codsan doonaa in ay i doortaan haddii ay i dooran waayaanna aniga oo faraxsan ayaan xilka ku wareejin doonaa qofka la doorto”ayuu yiri Maxamed Dheere.
Maxamed Dheere oo wax laga weydiiyay sida uu u arko heshiis ay Addis Ababa ku gaareen Madaxda sare ee Dowladda, kaasi oo qodobadiisa uu ku jiray mid isaga saameynaya ayaa wuxuu sheegay in inkastoo uusan heshiiskaas soo gaarin uu hadana soo dhaweynayo wax kasta oo ay ula yimaadaan madaxda Dowladda.
Maxamed Dheere waxaa uu qiray in khilaafka soo kala dhexgalay madaxda Dowladda Federalka uu isaga sabab u ahaa, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in qof kasta awooddiisa tijaabiyay, haatana la gartay in aaney jirin cid awood wax ku muquunin karta.
Hadalka Maxamed Dheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay Addis Ababa uga heshiiyeen khilaaf u dhaxeeyay, kaasi oo qodobadiisa uu ka mid ahaa mid ku saabsanaa in Gobolka Banaadir 15 cisho gudahood loogu sameeyo maamul ay dadka deegaanka soo doorteen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia