Sarkaal Itoobiyaan ah oo shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Waaxda Dakhliyada kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir

Arbaco, August 27, 2008(HOL): Sarkaalka hoggaamiya Ciidamada Lugta Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya Jen.Johans ayaa wuxuu shaqadii ka joojiyay Agaasimaha Waaxda Daqkhliyada kala duwan ee maamulka Gobolka Banaadir Aamina Muusa Cadde.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in Sarkaalkaas uu shalay Ciidamo u diray Agaasimaha u qaabilsan Waaxda Dakhliyada kala duwan Gobolka Banaadir, kadibna loogu geeyay guri uu degan yahay oo ku yaala Degmada Hodan.

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Sarkaalkaas uu Agaasimaha kala wareegay dukumiintiyadii ay ku shaqeyneysay, welibana si kibir uu ku jiro uu ugu yeertay gurigiisa isagoo awoodi karay haddii dhaliilo jiraan uu la socodsiiyo Dowladda Federaalka ama Maamulka Gobolka Banaadir.

“Falka uu ku kacay Sarkaalkaas  ma ahan mid aan uga hari doonno waxaana uga dacwoon doonnaa Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya ama Dowladda Itoobiya ayaa toos ula xiriiri doonna”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in uu sarkaalkaas ku xad-gudbay dhaqanka Soomaaliya, isla markaana uu qof dumar ah gurigiisa ugu yeertay.

Maxamed Dheere oo sii hadlayay waxaa uu Sarkaalkaas ku tilmaamay mid aan aqoon lahayn oo jaahil ah, isla markaana aaminsan sida uu hadalka u dhigay qoriga uu wato, wuxuuna ku cel celiyay in uusan iska iloobi doonin falka uu Sarkaalkaas kula kacay Agaasimaha Waaxda Daqkhliyada kala duwan ee maamulka Gobolka Banaadir.

Dhanka kalena, Agaasimaha shaqada laga joojiyay Aamina Muuse Cadde ayaa xaqiijisay in Jen. Johans uu kala wareegay Dukumiintiyadii ay ku shaqeyneysay, isla markaana uu u sheegay in aysan wax shaqo ah qaban karin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia