Arbaco, August 27, 2008(HOL): Waxaa laga soo deyrinayaa xaaladda caafimaad afar ruux oo shalay gelinkii dambe ku dhaawacantay Qarax aad u xoog badan oo ka dhacay Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Kar Kaar.
Dhakhaatiirta ka hawl-gasha Isbitalka Guud ee Degmadaasi Qardho ayaa soo sheegayaa in xaaladda afartani ruux ay tahay mid ka sii darayso,waxaana waxyeello aad u daran u gaystay Qaraxaasi.
Qaraxaan ay Dadkani ku dhaawacmeen ayaa dhacay kadib markii askari ka tirsan Ciidamada Daraawiishta DGPL ay dhulka kaga dhacday Miino uu watay, xili ay ku sugnaayeen waqda Qaadka Degmada Qardho ee Gobolkaasi Kar Kaar.
Afarta ruux mid ka mid ah ayaa Xaaladdiisa Caafimaad aad u liidataa wuxuuna xaaladdaas khatarta galay kadib markii firirka Miinadaasi ay ka haleeshay wadanaha, waxaana Qarabadiisa ay codsadeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu qaado dibadda si loo daweeyo.
Dhinaca kale waxaa maanta degan Degmadaasi Qaradho oo shalay gelinkii danbe kacsanayd, iyadoo Ciidamada Daraawiishta DGPL ay wadaan hawlo baaritaano ah oo lagu xaqiijinyo amniga degmadaasi Qardho .
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Kar kaar ayaa sheegay in la adkayn doono amniga Degmadaasi,waxaana dhawr jeer oo hore Kontroolka Degmadaasi lagu qabtay Qalab isugu jira walxaha Qarxa iyo waliba Khamri.
Howlahaan ayaa waxa ay ku soo begmayaan xili Puntland ay dadaal Ballaaran ugu jirto sidii ay amniga u xaqiijin lahayd, waxaana maamulka uu wacad ku maray in labada Bilood ee soo socota wax wayn laga bedeli doono amniga Guud ee Puntland.
Faysal Maxamed Xasan (Boston) Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso ,Somalia