Arbaco, August 27, 2008(HOL): Urur u dooda xuquuqda Suxufiyiinta ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in aysan wax dhibaato ah qabin Wariyayaashii Ajnabiga iyo Soomaalida ahaa ee dhawaan laga af-duubtay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Saxaafadda Dalka Canada ayaa iyadoo soo xiganeysa Afhayeen u hadlay Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudda lahayn ee RSF ayaa waxay sheegtay in Nigel Brennan oo Australia u dhashay iyo Amanda Lindhout oo Canada u dhalatay iyo C/fataax Maxamed Cilmi oo Soomaaliya u dhashay ay bed-qabaan, isla markaana aan wax dhibaato loo geysan.
Afhayeenka u hadlay Suxufiyiinta aan xuduudda lahayn oo lagu magacaabo Dennis Trudeau ayaa sheegay in aan seddex wariye loo geysan wax dhibaato ah, “Sida aan ku helnay warbixinno aan soo uruurinay Wariyayaasha ma qabaan wax dhib ah, waxay heystaan dharkooda, raashinka si caadi ah ayay u helaan, weliba waxay fursad u helayaan in ay daawadaan TV-yada Sattelite-ka ku jira oo ay kala socdaan akhbaaraadka Caalamka”ayuu yiri Dennis Trudeau oo sheegay in uusan warbixin intaas ka badan ka oran karin af-duubka wariyayaasha.
Mr. Dennis Trudeau oo sheegay in la rumeysan yahay in Wariyayaasha lagu hayo meel Muqdisho u jirta 80km, wuxuuna intaas ku daray in aaney jirin weli wax madax-furasho ah oo ay dalbadeen Kooxaha Af-duubtay.
Kooxo hubeysan ayaa waxay 23-kii bishan ka qafaasheen inta u dhaxeysa Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Degmada Afgooye Nigel Brennan oo Australia u dhashay, Amanda Landhout oo Canada u dhalatay iyo C/fataax Maxamed Cilmi oo Soomaaliya u dhashay, waxayna seddexdaas Wariye maalintii seddexaad ku jiraan gacanta kooxihii Af-duubtay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Af-duubka wariyayaashan loo geystay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horay dalka Soomaaliya af-duub loogu geystay dad badan oo Ajaaniib ah, kuwaasi oo badankood la sheegay in ay howlo samafal ah u tageen Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia