Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shir ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya

Arbaco, August 27, 2008(HOL): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay mar kale kulan ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka.

Golaha Ammaanka  ayaa wuxuu  kulankiisa warbixin uga  dhegeystay Wakiilka Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo ka warbixiyay xaaladda ay Soomaaliya ku sugan tahay iyo weliba horumarkii laga sameeyay Wada hadallo ay Qaramada Midoobay soo qaabeysay oo ay Jibouti ku yeesheen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu Golaha Ammaanka u sheegay in Wada hadalladii ay Jibouti ku gaareen dhinacyada Soomaaliya ay natiijo wanaagsan ka soo baxday, wuxuuna xusay in  loo baahan yahay in Beesha Caalamka ay si buuxda u taageerto mirihii wada hadalladaas ka soo baxay oo bilow wanaagsan ah.

“Golaha Ammaanka ayaa kulmay oo dood nool ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, sida aan wax u fahmayna fariinta waxay ahayd mid wanaagsan oo yididiillo leh”ayuu yiri Ahmedou Ould-Abdallah oo kulankaas kadib saxaafadda la hadlay.

Ould-Abdallah waxaa uu sheegay in ay arrinta Soomaaliya doodo ka yeelan doonaan Xoghayayaasha Golaha Ammaanka, kadibna waxaa uu xusay in  Guddiga joogtada ah ee Boqortooyada Ingiriiska uu soo saari doono qoraal kama dambeys oo looga baaraan-degayo habka Ciidamo lagu geyn karo Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa marka uu si taxadar leh uga  baaraan-dego arrinta ciidamo u dirista Soomaaliya waxaa la filayaa in ugu dambeynta uu qaato labo go’aan midkood, kuwaasi oo kala ah in uu Ciidamo ka socda UN-ka uu u diro Soomaaliya ama kuwa Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga uu Koofigooda ugu bedelo midka UN-ka oo markaasina uu siiyo taageero dhinac walba leh.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia