Markab Dagaal oo ku soo dhawaaday Xeebta Liido

Isniin, April 07, 2008(HOL): Markab kuwa dagaalka ah ee diyaaradaha xambaara ayaa maanta wuxuu ku soo dhawaaday Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, iyadoo markabkaasina  ay isha saareen Dhalinyaro Kubad ku ciyaareysay Xeebtaas.

Mid ka mid ah Dhalinyaradaas oo lagu magacaabo Axmed Cali Cabdi ayaa HOL u sheegay in uu arkay Markab ay Diyaarado dul haadayeen, kaasi oo sida uu yiri uu uga jeeday wax u eg qoryo lidka diyaaradaha ah oo ku xiran.

“Annaga oo Kubaddii ciyaareyna ayaa waxaa dusheena soo maray Labo diyaaradood oo nooca Helicopter-ka ah, kadibna waxaan aragnay Markabka oo markii hore aanan u jeedin oo meel ku dhow Xeebta Liido maraya, wuxuuna kadib u dhaqaaqay dhinaca Dekedda Muqdisho”ayuu yiri Axmed Cali Cabdi.

Shalay ayay ahayd markii Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu arkay diyaarado Helicopters ah oo joog hoose ku duulaya, kuwaasi oo si weyn u cabsi geliyay Dadka Degmadaas ku dhaqan oo aan iyagu horay u arki jirin diyaarado noocaas oo kale ah oo dushooda ku duula.
 
Xeebaha Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay ka dilaaceen Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta iyo Doomaha qafaasha waxaa ku soo badanayay Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin Dalalka Reer Galbeedka, waxaana horay u joogay Maraakiib ay leeyihiin Dalalka Mareykanka, Faransiiska iyo Jarmalka, halka haatan uu ku soo darsamay Markab ay leedahay Dowladda Holland, kaasi oo ay Dowladda Holland sheegtay in uu ka qeyb-qaadan doono soo galbinta Gargaarka Bani’aadannimo  ee la siiyo Dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, iyadoo ay Maraakiibtan Dagaal ku sugan yihiin Xeebaha Soomaaliya ayaa hadana waxaa haatan Xeebaha Soomaaliya lagu heystaa Markab kuwa lagu dalxiiso ah iyo Dadkii saarnaa, kaasi oo ay dhawaan qafaasheen Kooxo Burcad Badeed ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia