
Isniin, April 07, 2008(HOL): Deeq lacageed oo ay soo kala direen dad Soomaaliyeed oo qurbaha ku nool ayaa waxaa la gaarsiiyay maamulka madarasada Imaamu Shaabidi ee dhismaheeda laga wado magaalada Borama ee gobalka Awdal.
Maamulaha Shirkada Isgaarsiinta TELESOM ee gobalka Awdal C/qaadir Aadan Nuur iyo Maamulaha Madarasada Imaamu Shaabidi Sheekh Xuseen Nuur Qalinle ayaa u hambalyeeyay dadkii deeqdaan lacageed madarasada soo gaarsiiyay.
Maamulaha Shirkada Isgaarsiinta TELESOM ee gobalka Awdal C/qaadir Aadan Nuur ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay deeqdaan la gaarsiiyay maamulka madarasada Imaamu Shaabidi, waxuuna Alle ugu baryay dadkii deeqdaasi soo gaarsiiyay madarasada inuu ka ajir siiyo.
Waxa uu sheegay in meel wanaagsan ay mareyso howlaha lagu dhisayo madarasada Imaamu Shaabidi oo laba fooq laga dhigayo, taasoo loogu danleeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa goobaha lagu barto Diinta Islaamka ee gobalka ku yaala.
Cabdiqaadir Aadan Nuur waxa uu ugu baaqay Dadweynaha Soomaaliyeed ee caalamka ku kala sugan, inay gacan ka geystaan howlaha lagu dhisayo Madarasada Imaamu Shaabidi ee magaalada Borama.
Lacagtaan ayaa waxaa soo kala diran afar ruux oo Soomaaliyeed kuwaasoo ku dhaqan wadamada Qurbaha magacyadooduna waxa ay kala yihin.
Axmed Ibraahim Cabdilaahi Dalka USA Minnesota $1080 Dollar.
Sacaada Muxumed Heedbaaq Dalka Switzerland - $500 Dollar.
Khadiya Xadi Saciid Dalka Switzerland - $100 Dollar.
Khaalid Dalka Switzerland - $050 Dollar.
Maamulaha Madarasada Imaamu Shaabidi Sheekh Xuseen Nuur Qalinle ayaa sheegay in meel wanaagsani ay mareyso dhismaha Madarasada, isagoo ugu baaqay dhamaan Qurba joogta gobalka Awdal iyo cid kasta oo Islaam ah inay gacan ka geysato dhismaha madarasadaan oo lagu baran doono Qur’aanka Kariimka.
Madarasada Imaam Shaabidi oo awal lagu dhigi jiray guri kiro ah oo aad qolalkiisu u yar yar yihiin isla markaana ay dhigtaan arday isugu jirta gabdho iyo wiilal tiraddooduna ay gaadhayso 500 oo arday, ayaa waxa ay dhibaato ka haysatay habka waxbarista Quraanka Kariimka ah iyada oo madarasdaasi ay wax ka dhigaan macalimiin tayadooda waxbarasho ay aad u sarayso.
Ma ahan markii ugu horeysay oo deeqo noocaan oo kale ah lasoo gaarsiiyo maamulka Madarasada Imaamu Shaabidi ee magaalada Borama, iyadoo 18 bishii March 2008 lasoo gaarsiiyay lacag gaareysa $900 Dollar, taasoo ay soo kala direen Cali Bashiir Maxamed oo soo diray $400 iyo C/naasir Cali Cumar oo soo diray $500.
Si kastaba ha ahaaee, Gobalka Awdal ayaa sannadihii ugu dambeeyay waxaa kusoo dabanayay horumar xoogan oo dhinac kasta oo gobalka gaaray, taasoo u wacan tahay Ganacsatada gobalka oo intooda badan xiligaan dhexda marada ugu xirtay sidii ay gobalka u hormarin lahaayeen.
.jpg)

AbdiAziz Mohamed Elmi
[email protected]
Borame, Somalia