Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ka sameystay nawaaxiga Deegaanka Ceelasha Biyaha

Isniin, April 07, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa waxay fariisin ka sameysteen inta u dhaxeysa Deegaannada Ceelsha Biyaha iyo Siinka Dheer oo ku yaala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamadan ayaa lagu arkayaa hareeraha Wadada isku xirta Muqdisho Ceelashada Biyaha, halkaasi oo ay ka sameynayaan howlgallo nabad-sugid ah, waa sida ay ku warameen dad wadadaas ku socdaalay.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa u barakacay Dadkii ugu badnaa ee ka cararay Dagaallada iyo Qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho, waxayna dadkaasi haatan muujinayaan wel wel ay ka qabaan in ay mar kale sii barakacaan.
 
Saraakiil horkaceysa Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee fariisinka ka sameystay inta u dhaxeysa Deegaannada Ceelashada Biyaha iyo Siinka Dheer ayaa waxay kulamo la qaateen Odayaal iyo Waxgarad ku sugan Deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaasi oo ay u sheegeen in ay halkaas u yimaadeen sidii ay ammaanka u sugi lahaayeen, iyagoo intaas ku sii daray in lagu soo wargeliyay in deegaanka Ceelasha Biyaha ay ku sugan yihiin kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Odayaasha la kulmay Saraakiisha Itoobiyaanka ah ayaa waxay sheegeen in Deegaanka Ceelasha Biyaha uu yahay mid ay ku nool yihiin Dad ka soo barakacay Magaalada Muqdisho, isla markaana aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in ay ku sugan yihiin kooxo hubeysan oo Dowladda ka soo horjeeda.

Ugu dambeyntiina, dhowr jeer oo hore ayaa Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye waxaa lala beegsaday qaraxyo ay qaarkood waxyeello ka soo gaartay, iyadoo qaraxii ugu dambeeyay oo lala beegsadayna uu dhacay todobaadkii hore.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia