Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Isniin, April 07, 2008(HOL): Seddex ruux ayaa geeriyootay, Lix ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray qarax xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Qaraxan oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Bangiga Dhexe ee Magaalada Baydhabo, iyadoo la sheegay in qaraxan uu salka ku hayo Dad Magaaladaas wada degan oo uu ka dhaxeeyay muran Dhuleed.

Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey oo ka hadlay qaraxan ayaa sheegay in dadkii qaraxan ka dambeeyay ay haatan ku raad-joogaan ciidamada booliska Degmada Baydhabo, isla markaana gacanta lagu soo dhigi doono.
 
C/fataax Geesey waxaa uu sheegay in dadka dhaawacmay gebi ahaantood lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Baydhabo, halka kuwii dhintay uu sheegay in la qaban qaabinayo aaskooda.

Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey waxaa uu beeniyay warar horay u soo baxay oo sheegayay in Qaraxaas uu ku dhaawacmay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Gobolka Bay Shiine Macallin Nuurow, wuxuuse sheegay in Guddoomiye ku xigeenka uu dhaawacmay hayeeshee uusan qaraxa ku dhaawacmin, “Guddoomiye ku xigeenka isagoo doonayay in uu u soo gurmado dadka ay waxyeellada ka soo gaartay qaraxa ayaa waxaa iyagoon hubsan rasaas ku furay Ciidamo Boolis ah oo ku sugan Afar Irdoodka Magaalada Baydhabo, dhaawaciisana waa mid fudud”ayuu yiri C/fataax Geesey.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Baydhabo dilal qorsheysan loogu geystay saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba rag ganacsato ahaa, kuwaasi oo ay dilkooda ka dambeeyeen Rag Bastoolado ku hubeysan.

Ugu dambeyntiina, Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa muddooyinkan wuxuu ahaa mid sii xumaanayay, iyadoo ay ku sugan yihiin Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo halkaas loo geeyay in ay ammaanka sugaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia