Kacdoon shacab oo ka dhan ah Sicir bararka iyo Diidmada Lacagta Duugowday ee Kunka Shilin oo Muqdisho ka bilowday

Isniin, April 07, 2008(HOL):  Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay dibad-bax kacdoon shacbi ahaa, kaasi oo ay dhigeen Dad ka careysan sicir bararka cirka isku sii shareeraya ee ka taagan Suuqyada Muqdisho iyo weliba diidmada lacagta Kunka Shilin ah ee duugowday.

Dadka Dibad-baxayay ayaa waxay isugu soo baxeen Suuqyada Arjantiin, Sanca, Fagax iyo Maanaboolyo oo ka kala tirsan Degmooyinka Kaaraan iyo Shibis, waxayna dhagxaan ku tuurayeen intii ay banaanbaxayeen dukaamadaha iyo goobaha ganacsi ee ku yaala meelaha ay dibadbaxyada ka oogeen.

Goobo ganacsi oo aad u badan ayay dadkii lahaa albaabada u laabeen si aysan waxyeello u gaarsiin Dadka banaanbaxayay oo aad u careysnaa, isla markaana gaadiidka iyo goobaha ganacsi ee furan dhagxaan la dhacayay.
 
Banaanbaxa ay Dadkani dhigeen ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Sicirka Raashinka Quutul-daruuriga ah uu cirka isku sii shareerayo, isla markaana ay ganacsatada bilaabeen in ay hadana diidaan lacagta duugowday ee Shilin Soomaaliga ah.

Qiimo kororka ku yimid Raashinka Quutul-daruuriga ah ayaa wuxuu salka ku hayaa sarifka Doollarka Mareykanka  oo Suuqyada Muqdisho sare uga kacay, iyadoo sarifka Boqolka Doollar uu maanta marayay 2,800,000 Sh. So, taasi oo keentay in sariflayaasha Suuqa labaad ee Muqdisho (Suuq Bacaad) ay joojiyaan in ay wax lacag ah sarifaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia