Dad Rayid ah oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Goob Suuq ah oo ku taala Bartamaha Magaalada Beledweyne

Isniin, 7, Mar, 2008 (HOL):  Inta la og-yahay 6 ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay 27 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Miino nooca gacanta laga hago ah  lagu weeraray Gaari ay la socdeen Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan oo marayay bartamaha Magaalada Beledweyne.
 
Dadka Rayidka oo ee ku dhitay weerarka lagu qaaday Ciidamada Maamulka ayaa intooda badan Mehrado Ganacsi ku lahaa Goobta Qaraxu ka dhacay oo aheyd Suuq dadku si weyn uga dukaameysanayay, waxaana intaas kadib la maqlay Rasaas xoog leh oo ay fureen Ciidamadii saarnaa gaariga weerarka lagu qaaday inkastoo rasaastaasi aysan cidana wax ku noqon.
 
Dadka ku dhaawacmay qaraxa  ayaa dhamaatood la dhigay Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne kuwaas oo qaarkood ay HOL u xaqiijiyeen dhaqaatiirta in uu soo gaaray dhaawac halis ah iyagoo intaas ku daray in lala tacaalayo sidii wax loogu qaban lahaa.
 
Dhamaanba waxaa xirmay Goobihii Ganacsiga Magaalada oo u muuqda mid Jahawareer badani ka muuqdo,  mar marka qaarna waxaa la maqlayaa rasaas ay kor u ridayaan Ciidamada Dowladda si markaa loo kala diro dadweyne isugu soo baxay Jidadka Magaalada.
 
Qaraxa Maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne oo noqonaya kii ugu horeyay oo sababa khasaare intaas la eg ayaa dhanka kale muujinaya sida ammaanku u sii xumaanayo, waxaana soo baxaya walaac dadka Rayidka ah arintaas ka muujinayo.
 
Inkastoo weerarada lagu qaado Ciidamada Dowladu yihiin kuwo aan ku cusbeen gudaha Gobalka Hiiraan ayaa hadana weerarka maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne waxaa uu kaga duwan yahay kuwii ka horeeyay halka uu ka dhacay oo ah Goob astaan u ah dhaq-dhaqaaqa dadka rayidka ah, islamarkaana aan laga maleysan karin in lagu aaso Miino iyo waxyaabaha Qaraxa ee la midka ah.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia