Xaaladda Degmada Balcad oo degan iyo Ciidamadii Maxkamadaha oo halkaas isaga baxay

Isniin, April 07, 2008(HOL): Waxaa degan Xaaladda Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo maalintii shalay ahayd ay waqti kooban ku dagaalameen Ciidamo ka amar qaata maamulkii Degmada ka talinayay iyo Ciidamo kale oo u daacad ah Maxkamadaha Islaamka.

Dagaalkaas kadib waxay Degmada Balcad gacanta u gashay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo ku sugnaa ilaa saaka Waaberigii, iyagoo intii ay halkaas ku sugnaayeenna sii daayeen maxaabiis ku xirneyd xabsiga degmada, kuwaasi oo qaarkood ay ahaayeen ganacsato shalay loo soo xiray sabab la xiriirta in ay diideen qaadashada lacagta duugowday ee Kunka Shilin Soomaaliga.

Degmada Balcad haatan ma jirto cid ka talineysa oo ay ka dambeeyaan dadka degmadaas, waxaana ka wada baxay Ciidamadii Maamulka Degmada iyo kuwii Maxkamadaha Islaamka, iyadoo dadkuna ay is-weydiinayaan waxa xigi doona kadib ka bixitaanka labadaas Ciidan ee Degmada Balcad.
 
Dhanka kalena, waxaa saakay is-casilay Afhayeenkii maamulka Degmada Balcad oo lagu magacaabi Maxamed Abshir Nuur (Koba-qori), kaasi oo sheegay in sababta uu isu casilay ay la xiriirto culeysyo uga yimid Waalidiintiisa iyo Ehelladiisa, kuwaasi oo culeys ku saaray in uu is-casilo, isagoo intaasna ku sii daray in is-casilaaddiisa ay la xiriiri karto cabsi soo wajahday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia