Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Nairobi
ay Qaramada Midoobay iyo
diblomaasiyiin wakiilo u ah wadamada reer
galbeedka iyo Maraykanka kulamo kula lahayd wafdi ka socda mucaaradka
dalka Soomaaliya.
![]() | |
|
Waxaa wafdiga mucaaradka horkacayay guddoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Hassan Sheekh Aadan.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta dalka, wuxuu ka hadlay xiisadaha iyo dagaalada ka socda gudaha dalka Soomaaliya, oo uu sheegay in ay soconayaan weerarada ay gaystaan kooxaha ka soo horjeeda ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda.
Wuxuu sheegay in dagaalka ay gudaha Soomaaliya ka wadayaan inta xal rasmi ah laga gaarayo wadahadalo dhaca
Xigasho: BBC Somali, Apri 02, 2008

Halkan ka dhagayso