Khamiis, April 03, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaaya Maxkamadaha Islaamka ayaa saaka waaberigii waxayu dib ugu noqdeen Degmada Buulo-Barde ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay horay uga baxeen.
Ciidamadan oo ilaa haatan ku sugan Degmada Buulo-Barde ayaa waxay degmada dib ugu noqdeen kadib markii ay shalay gelinkii dambe halkaas isaga baxeen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray oo muddo saacado ah ku sugnaa halkaas.
Wararka naga soo gaaraya Degmada Buulo-Barde waxay sheegayaan in haatan ay xaaladda degmadaas degan tahay, isla markaana ay dadka si caadi ah u wataan howl-maalmeedkooda, iyadoo Ciidamada Maxkamadahana ay magaalada ku sugan yihiin.
Sidoo kalena, warar naga soo gaaray Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ay sidoo kale halkaas gaareen Ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo haatan gacanta ku haya Degmadaas.
Ciidamadan la wareegay gacan ku heynta Degmada Jalalaqsi oo aan wax iska caabin ah la kulmin ayaa la filayaa in ay mas’uuliyiinta hoggaameysa la hadlaan dadka degmadaas ku dhaqan, waa sida uu ku waramay Cilmi Daahir (Cilmi Shiino) oo ka mid ah Dadka Degmadaas ku dhaqan.
Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu u muuqdaa mid ay ku sii xoogeysanayaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee ka soo horjeeda siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daga-geed oo dhawaan u waramayay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho kadib markii laga qabsaday Degmada Buulo-Barde ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada ka soo horjeeda ee la dagaalamaya ay ka yimaadeen sida uu hadalka u dhigay Gobolka Galgaduud, walow uusan guddoomiyaha caddeyn rasmi ah ka bixin in ay Xoogagga la dagaalamaya ka yimaadeen Gobolka Galgaduud.
C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia