Khamiis, April 03, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxay uga digeen ganacsatada in ay diidaan lacagta duugowday ee Shillin Soomaaliga ah.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in ganacsatada diida lacagta Kunka Shillin ee duugowday ay u arkayaan Cadawga Ummadda Soomaaliyeed, “Ganacsatada waxaan uga digeynaa in ay lacagta duugowday diidaan, haddii ay diidaanna waxaan u arkeynaa in ay yihiin Cadawga Umadda Soomaaliyeed, waxaana leenahay ha lala diriro oo ha la iska celiyo”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in ay wax aan caqliga geleynin tahay in la diido lacagta kaliya ee ay haatan dadka Soomaaliyeed heystaan, taasi oo haddii la diido aan la heynin wax lagu bedelo, “ganacsatada waa weyn iyo kuwa yar yar waxaan uga baaqeynaa in ay ka shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa in la diido lacagta duugowday ee Kunka Shillin Soomaaliga ah”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in diidmada lacagta duugowday ee Kunka Shillin uu ka dambeeyo sida uu u yiri maamulka Puntland oo doonaya in la qaato lacag been abuur ah oo lagu soo daabacay Puntland, “dhibaatada taala halkan (Muqdisho) waa la ogyahay waxay ka socotaa Puntland, midna waa cuuryaaminta dhaqaalaha dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir, mida kalena waa xabadda dadka lagu leynayo”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in ay ku dadaalayaan sidii dhibaatadaas loo dhameyn lahaa.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, digniintan uu soo saaray Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ee ku wajahan diidmada lacagta Kunka Shillin ee duugowday ayaa waxaa ka horeysay mid uu soo saaray Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere), kaasi oo sheegay in ganacsadihii diida lacagta duugowday tallaabo laga qaadi doono, isagoo Ciidamada Suuqa Bakaarahana faray in ay tallaabo ka qaadaan ganacsatada la arko iyagoo diidaya lacagta duugowday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia