Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Deegaano hoos-yimaada Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud

Khamiis, April 03, 2008(HOL): Ugu yaraan 10 Ruux ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu saaka ka dhacay deegaano ka tirsan Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo ka dhacay Deegaanka Dayeeno oo u dhaxeeya Cadaado iyo Gelinsoor ayaa wuxuu u dhaxeeyay maleeshiyooyin Deegaanka ah oo taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, wuxuuna dagaalkaas ka dhacay meelo ay jid-gooyooyin u yaaleen Maleeshiyooyinka Dowladda taageersan.

Nabaddoon Cali Geeddi oo ka mid ah Nabaddoonnada ka soo jeeda Degmada Cadaado ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid xooggan oo dhinacyadii uu u dhaxeeyay ay isugu adeegsadeen hub culus iyo mid fudud, wuxuuna nabaddoonku intaas ku daray in dagaalka labada  dhinac dhexmaray uu si kedis ah ku bilowday.
 
Dadkii dagaalkan ku dhaawacmay ayaa waxaa loo qaaday dhinaca Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasi oo loogu qaaday in lagu soo daweeyo, halka kuwii dagaalka ku dhintayna la qabanqaabinayo aaskooda.

Dagaalkan ka dhacay duleedka Degmada Cadaado ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerarro ku qaadayeen deegaannada ay ku sugan yihiin taageerayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka baxsan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia