Guddoomiyaha Gobolka Bay oo lagu weeraray Degmada Qansax-dheere xili uu halkaas booqasho ku joogay

Khamiis, April 03, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey oo booqasho ku joogay Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Bay.
 
Iska hor-imaad dhexmaray ilaalo la socotay Guddoomiyaha iyo Kooxihii hubeysnaa ee soo weeraray ayaa waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dhinacyadii dagaalamayay, iyadoo la xaqiijiyay in ilaaladii la socotay Guddoomiyaha labo laga dilay, halka afar kalena laga dhaawacay.

Guddoomiyaha ayaa marka weerarka lagu soo qaadayay waxaa uu wada hadallo la lahaa Mas’uuliyiinta iyo Waxgaradka Degmada Qansax-dheere, kuwaasi oo ay ka wada hadlayeen arrimo ku saabsan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka Gobolka Bay.
 
Dadka ku dhaqan Degmada Qansax-dheere ayay u ahayd markii ugu horeysay oo ay dushooda ku dagaalamaan dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda, waxayna haatan wel wel ka muujinayaan in ay mar kale dhacaan weerarro kale oo labadaas dhinac u dhaxeeya bacdamaa ay weli magaalada joogaan ciidamadii guddoomiyaha la socday, halka kooxihii weerarka soo qaadayna ay dib u noqdeen meelihii ay ka soo weerar tageen.

Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey ayaa tan iyo markii dhawaan loo doortay xilka Guddoomiyenimada waxaa uu socdaallo ku kala bixinaya Degmooyin  ka tirsan Gobolka Bay, wuxuuna horay u booqday Degmada Buur-hakaba, halkaasi oo ay labo jeer gacan ku heynteeda la wareegeen Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia