Mid ka mid ah Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Koofur Afrika oo dadaal ugu jirta wax ka qabashada dhibaatooyinka soo gaara Ganacsatada Soomaaliyeed

Khamiis, April 03, 2008(HOL): Dadaal ballaaran oo ay waddo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Western Cape oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka soo gaara qaar ka mid ah ganacsatada soomaalida ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Cape Town.

Jaaliyadda ayaa waxay la kulmeen qaar ka mid ah Jaaliyadaha Waddaniga ah ee ka dhisan magaalooyinka  ay ku dhex ganacsadaan Soomaalida, taasoo loola jeedo in Jaaliyadaha Waddaniga ah iyo  Jaaliyadda Soomaalidu ay ka wada shaqeeyaan sidii labada dadyow la isku fahamsiin lahaa.

Jaaliyadda Soomaalida ayaa dhawaan la kulantay madaxda Xisbiga Siyaasadeed ee mucaaradka ah ee lagu magacaabo Pan Africanist Congress (PAC), waxayna isla soo qaadeen sidii wax looga qaban lahaa is-fahmi-waaga dhexyaala ganacsatada Soomaalida iyo kuwa South African-ka ah.

Waxaa kaloo ay ka wada hadleen sharci la'aanta heysata dadka soomaalida ah ee mudada badan ku noolaa dalka kuwaasoo xaq u leh in ay noqdaan Wadiniyiin South African ah maadaama sharciga Wadanku uu dhigayo in haddii qofku uu joogo in ka badan shan sano uu xaq u leeyahay in uu codsado aqoonsiga Wadaninimo.

Markii uu dhamaaday shirka labada dhinac ayaa madaxda PAC iyo gugdiga Jaaliyaddu ay si wada jir ah u soo booqdeen magaalada Worcester ee gobolka Western Cape oo bishii aynu soo dhaafnay, halkaasi oo uu ka dhacay boob aad u ballaaran oo loo geystay in ka badan 20 Dukaan oo ay Soomaalidu lahaayeen, taasoo aan ilaa iyo hadda cidna loo soo xirin.

Xisbiga PAC markii ay booqdeen goobta uu ka dhacay boobku waxay sheegeen in ay aad uga naxeen waxa meeshaas ka dhacay, waxayna balanqaadeen in ay ka shaqeynayaan sidii ganacsatada Soomaalidu ay mar kale dib ugu noqon lahaayeen goobahoodii ganacsi, inkastoo la burburiyay gebi ahaanba goobihii ay ku ganacsanayeen oo ganacsatadiina ay ku soo jabeen magaalada Cape Town.

Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa