Ciidamo Itoobiyaan oo saaka waaberigii qarax lagula beegsaday Deegaanka Lafoole iyo Ciidamadaas oo Nin Rayid ah toogtay

Khamiis, April 03, 2008(HOL): Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka amba baxay magaalada Muqdisho, isla markaana ku sii jeeday dhinaca Degmada Afgooye ayaa mar ay socdeen deegaanka Lafoole waxaa lala beegsaday Qarax aad u xooggan, kaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha ka soo gaaray Ciidamada Itoobiyaanka ah.
 
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa markii qaraxa lala beegsaday kadib waxay hakiyeen socodkoodii, waxayna bilaabeenin ay baaritaanno ka sameeyaan deegaannada u dhow halka uu qaraxa ku qabsaday.

Intii ay howlgallada wadeen Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay toogteen Nin Oday ah oo u soo baxay in uu Salaaddii subax soo tukado, kaasi oo in muddo ah uu meydkiisa yaalay halkii ay Ciidamada ku toogteen.
 
Qaraxa lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka oo ahaa mid xooggan ayaa dhawaqiisa waxaa laga maqlay meelo ka fog Deegaanka Lafoole , iyadoo xiliga uu dhacayna ay ahayd xili ay dadka guryahooda ku jireen, isla markaana uu dhacayay Eedaanka Salaadda Subax.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamo Itoobiyaan ah qarax lagula beegsado Deegaanka Lafoole, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo halkaas lagu qarxiyay Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo isugu jiray kuwo Muqdisho u socday iyo kuwo ka soo socday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia